Golaha wakiillada oo u Yeedhay Mareeyaha wakaalada Biyaha ee Magaalada Hargeysa

0
279

Hargeysa (Dawan)- Guddi hoosaadka ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka Somaliland ayaa kulan xogwaraysi ah la yeeshay maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka Gudida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka golaha ee wakiilada Somaliland xildhibaan Mustafe Khayreeye ayaa markii kulankaas ay la lahaayeen masuuliyiinta wakaaladda biyaha Hargeysa warbaahinta u shegay in ay madaxda wakaaladda biyaha caasimada Hargeysa ay ka xogwaraysteen xaaladda biyaha ee caasimada Hargeysa, hawlaha biyo baladhinta iyo arrimo kale oo la xidhiidha shaqada wakaaladda biyuhu qaranka u hayso.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye wuxuu u mahadceliyay masuuliyiinta wakaaladda biyaha caasimada Hargeysa, oo uu u horeeyo maareeyaha walaakadaasi, isagoo ku bogaadiyay sida ay u soo ajiibeen yeedhmada guddida dabo-galka iyo illaalinta hantida qaranka ee golaha wakillada Somaliland.

Ugu dambayn Maareeyaha wakaaladda biyaha caasimada Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa u sheegay in guddida dabo-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ay siiyeen wixii xogo ah ee ay uga baahneeyeen, waxaanuu maareeye Maxamed Darood intaa ku daray in guddidaas ay isla garteen arrimihii ku saabsanaa kulankoodaas.

Leave a Reply