Madaxweynaha JSL Ayaa Maal-geliyay Deeqda Waxbarashada 25-ka Dhakhtar ee Itoobiya

0
319

Hargeysa (Dawan)- “Deeqda Waxbarasho 25-ka Dhakhtar ee Itoobiya, Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maalgelinteeda iyo fududeynteeda lahaa, Ilaahay SW dabadii, waxaanay ahayd hawl muddo sannad ah Safaarada Itoobiya hirgelinteeda ka shaqeynaysay.” Sidaa waxa sheegay Safiir-xigeenka JSL ee Itoobiya.

Safiir-xigeenka Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Md. Barkhad M. Kaariye ayaa shaaca ka qaaday inuu wakhtigii uu ku-simaha ka ahaa Safaaradda JSL ee dalka Itoobiya uu ka hawlgalay sidii loo heli lahaa heshiis waxbarasho rasmi oo Somaliland iyo Itoobiya ay yeeshaan, kuna guulaystay hirgelinteeda, taasoo dhowaan la saxeexi doono.

Wareysi dhinacyo badan oo Suxufi Maxamuud Walaaleye, oo bahda wargeyska Dawan ah, kula yeeshay Hargeysa Arbacadii 16 February, 2022, safiir Barkhad ayuu ku sheegay inuu jiro baraarug wakhtigan bulshadeenu gaar ahaan ganacsatada oo gacan ka helaya xukuumada Somaliland ugu xadhko-xidheen u iibgeynta badeecadaha dalka lagu farsameeyo oo tayadoodu sarreyso suuqyadda caalamka, su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

S: Dhowaan, Safaarada JSL ee Itoobiya iyo Wasaarada Caafimadku waxay shaaciyeen dhakhaatiir waxbarasho takhasus ku soo qaadan doona itoobiya, Haddaba, deeqda waxbarasho ma mid si buuxda loo maalgeliyey baa, mise waa mid qeyb ahaan?

J: Deeqda Waxbarasho ee dalka Itoobioya, waxaanu ka shaqaynayay muddo sannad ka badan, waxaana hawshaa hirgelinteeda, maalgelinteeda iyo fududaynteedaba suurtogeliyay, Ilaahay ka sokow, Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi. Xukuumad ahaan deeqdaa waxbaarsho waxay noo lahayd muhiimad gaar ah, maadaama aqoonta ay baranayaan iyo fursaddani aanay dalka hore uga jirin.

Safiir Barkhad ayaa sheegay in 25 dhakhtar eek u guulasytay imtixaankii loogu tartamayey ay soo baran doonaan 10 takhasus oo kala duwan oo dalkeenna ku yar amma aan hore uga jirin. Waa deeq waxbarasho ay si buuxda u wada maalgeliyeen, dawladaha Itoobiya iyo Somaliland, taasoo Dawladda Itoobiya bixinayso kharashka Waxbarashada, halka dawladda JSL damaanadqaaday kharashka nolosha, muddada waxbarashada Ardayda Itoobiya joogto.

Waxa xusid mudan in 22 ka mid ah ardayda dhakhaatiirtu hore ugu jirin hannaanka shaqaalenimmo ee dawladda, nasiibwanaag, Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhamaystirtay shaqaaleysiintooda. Immika, dhamaantood, waa shaqaale dhakhaatiir Qaranka u maqan, isla markaana Dhakhaatiirtan waxbarashada ugu dhoofaya Itoobiya heshiis rasmi ah ayey dawladda la galeen, caddeynaya inay qaranka u shaqaynayaan, isla markaana dawladdoodu waa u diyaar garab istaagooda.

S: Deeqaha Waxbarasho ee dalka Itoobiya siiso ardayda Somaliland joogto maaha, Maxaa diidaya Safiir Barkhad, in la helo tiro xaddidan oo ardaydu sanandwalba ku xisaabtamaan, ama labada Wadan Itoobiya & Somaliland heshiis rasmi ah oo taageerada Waxbarashada, sida deeqaha yeeshaan?

J: Runtii, tirada xadidan inta badan waxa ka habboon tiro kordhaysa oo kor u socota, waana qorshe muddo hore aannu bilownay ka shaqaynaytiisa. Tusaale,, sannadkan 2022 tirada deeqda Waxbarasho waxay 50 ka badnayd tiradii sannadihii hore 2021. Dhinaca heshiis waxbarasho labada dawladood, waxaan muddadii aan ku-simaha safiirka ka ahaa Safaaradda JSL ee dalka Itoobiya, waxaan u hawlgalay in la diyaariyo heshiis waxbarasho dhammaystiran oo Somaliland & Itoobiya wada yeeshaan oo dhinacyo badan taabanaya, deeqaha Waxbarasho soo hoos gelayaan, Ilaahay mahadii waanu ku guulasannay, waxaanay labada dawaldood kala saxeexan doonaan dhawaan heshiiskaa.

S: Dalka itoobiya, muddo sannad iyo dheeraad khilaaf siyaasadeed oo sababay dagaalo ayaa ka socday, waxa jiray arday reer SL oo ku xanibmay gobolka Tigray, balse muddo dambe Hay’ado ka soo qaadeen, wallow dagaaladii si rasmi ah aanay u dhamaan, u diritaanka xilligan dhakhaatiirta aqoon takhasusaad waxbarasho soo baranaya, miyaanay biimo ama halis ku ahayn?

J: Horta aan ku saxee, hawsha soo daad-gureynta ardayda dawladda JSL oo ay metelaysay safaaradda Itoobiya aynu ku leenahay ayaa hirgelisay. Wakhtiga oo ku beegnayd, xilligii aan masuuliyadda Safaarada JSL ee Itoobiya aan hayey, oo ku-simaha safiir ka ahaa, waxa qorshaheeda u dhammaa oo ka hawlgalay, dhamaan hay’adaha dawladda JSL ay khusaysay, marka laga yimaaddo safaaradda oo Qaranka JSL oo dhan wakiil uga ahayd, waxaana gaar ahaan arrintaa nagala shaqaynayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Was. Waxbarashada iyo Madaxtooyada JSL.

Jawaabta su’aashaada haddaan u soo noqdo, qorshaha diritaanka 25 Dhakhtar ee deeqaha waxbarasho culuumta takhasusaadka caafimaadka u tegaya dalka Itoobiya maaha arrin biime ama halis ku keenaysa ardayda Idam Alle, laba sababoodba; waa ta koowaad’e xaaladda Itoobiya aad bay u wacan tahay xilligan, oo waa ammaan, sidoo kale, jaamacadaha lagu qoray ardaydani waxay ku yaalaan deegaanno nabdoon oo u dhaxeeya magaalooyinka Jigjiga ilaa caasimadda Addis Ababa, oo ah gobollada ugu xasiloon dalka Itoobiya. Waa arrin aannu ka fikirnay intii qorshayntu socotay, wax amni-darro ama halis ahna kuma jirto.

S: Waxa jira dad badan oo muwaadiniin Somaliland arrimo kala duwan ugu socdaala dalka Itoobiya, hadday noqoto adeegyo Caafimaad, kuwo Waxbarasho si gaar ah, arrimo dhoof, ma jiraan tirakoob aad ka haysaan guud ahaan muwaadininta jooga dalka Itoobiya? Mase jiraan hawlo tashiilaad aad u fidisaan iyo waxyaalo kale?

J: Muddadii labada sanno iyo dheeraadka ahayd ee aan safaaradda ka hawlgalayay, anigoo kaashanaya hawl-wadeennada safaaradda oo u heelan shaqada Qaranka iyo guud ahaan hay’adaha ay khusayso ee dawladda Itoobiya, waxa noo suurtogalay inaanu diyaarinno ‘keydka xogta muwaadinka’, gaar ahaan ardayda iyo dadka caafimaadka u yimaadda oo ah dadka ugu badan ee innaga jooga Itoobiya.

Waxaanu Safaarada JSL ee dalka Itoobiya ka bilownay adeegyo kala duwan oo muwaadinteena jooga ama taga Itoobiya lagu caawinayo, kuna xidhan baahiyaadkooda. Tusaale, Ardaydeena jooga Itoobiya, oo muddooyinkii hore raadsan jiray fiisaha dal-ku- jooga (Residence Card) ee Itoobiya, xilligan, xafiiska safaaradda JSL ee Addis Ababa ayaa adeeggaa u fulisa, masuuliyiinta qaabilsan ee Dawladda Itoobiya waanu uga mahadcelinaynaa inay noo fududeyso, waliba lacag-la’aan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee adeegyada Caafimaadka u yimaadda Itoobiya, ooh ore caqabado kala kulmi jiray baahiyaadkooda caafimaad ee Cusbitaalada, sida turjubaanada luuqada bukaanka iyo dhakhaatiirta ama dadka weheliya, waxaanu Ilaahay mahadii ka aasaasnay mudadda xafiiska safaaradda JSL ee Itoobiya, qeyb qaabilsan arrimaha bulshada ‘Waaxda arrimaha bulshada’ oo ah Waax u xilsaaran caawinta dadka caafimaadka u socda, taaso ay si tabarucnimmo ah ugala shaqeeyaan qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee aqoonta Dhakhtarnimmo ka barta caasimada Addis Ababa.

Adeegyadaasi waxay fududeeyeen in la helo dhamaan baahiyaadka muwaadiniinta reer Somaliland ee yimaada dalka Itoobiya, si loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiin, taasoo faa’iidooyinka ugu yare e muwaadiniintu ka heleen laga sheegi karo inay soo koobnaato mudaduu danahiisa ku dhamaysannayo, oo kharashaadkiisu u keydsamayo, halkuu hore mudaddu ku dheeraan jirtayama kharashaadku ku badan jireen, haddaanay iyagoon danahoodii gaadhin dib u noqonba.

Sidoo kale, xilligaan sheegayo ee xilka xafiiska JSL ee Itoobiya aan maamulayey ama ku-simaha Safiir ka ahaa, waxa noo hirgalay, markii koowaad taariikhda inaanu bilowno samaynta iyo kaadhka ‘Aqoonsiga jaaliyadda Somaliland – (Somaliland Community ID). Oo ah dokumeti ama kaadh Dawladda Itoobiya aqoonsan tahay, isla markaana muwaadiniinta JSL u fududeeya waxyaabaha ay u baahdaan, sida isu-socodka gudaha Itoobiya, kaasoo xafiiska safaaradda JSL ee Itoobiya siintiisa muwaadiniinta shuruudo cad iyo hubin dabadeed ka helaan, waana dokumeti aanu si fudud ama sharcidarro qofna ku heli Karin.

Sidoo kale, waxa hirgallay samaynta iyo bixinta dokumetiga loo yaqaan ‘Warqadda socdaalka degdegga ah, (Go home) oo muwaadiniinta reer Somaliland ee baasaboorradu ka lumaan amma ay ka dhacaan, u fududeynaysa inay si sharci ah kaga soo dhoofi karaan dalkaas. Wax badan baa muddadaa aan ku-simaha ahaa noo suurtogalay oo dhammaantood muhiimadooda koowaad ahayd gudashada waajibaadka xafiiska Safaaradda JSL ee dalka Itoobiya iyo masuuliyiinta jooga u xilsaarnaayeen, waanan ku guulaysannay Ilaahay mahadii, gudashada waajibaadkii muwaadinta reer Somaliland nagu lahaayeen oo caawintoodu ugu horeyso.

S: Somaliland & Itoobiya xidhiidh sokeeye ayaa u dhexeeyey muddo saddex qarni ku dhow, Marar kala duwan ayaa la sheegay in is-faham dannaha labada dal la kala saxeexday, ama heshiisyo kooban, Laakiin, dad badan ayaa isweydiinaya sababaha Somaliland iyo Itoobiya si kama dambays iskaashiyadda kala duwan ee u dhexeeya heshiisyo rasmi ah ugu yeelan waayeen? Maxaad ku macnayn kartaa, amma dhinacee ayuu gaabisku ka jiraa?

J: Walaal way jiraan heshiisyo rasmi ah oo Somaliland & Itoobiya u dhexeeya, mid baase aynu u baahannahay in aynu fahanno; inta badan wax waliba inay banyaal noqdaan amma la faahfaahiyo xilliyadda qaar, suurtogal maaha, iyadoo danta Qaranka iyo dawladaha ay khusayso laga eegayo. Sababtoo ah, dal waliba sugnaansho xogeed buu leeyahay.

Heshiisyadda qaarkood uma baahna shaacin, sida xidhiidhka amni, ganacsi, siyaasi iyo isu-socod ee labada dal, oo meel sugan oo wanaagsan maraya, kaasoo cad, cid walba u muuqan karta. Marka xogaha loo baahdo faahfaahintooda, hadday tahay masuuliyiinta Safaaradda JSL ee Itoobiya, ama Masuuliyiinta xukuumada Somaliland ee qaabilsan, oo ay muhiim noqoto inay bulshada Somaliland la wadaagaan, amma ay ogaadaan way iman doontaa, Salaad walba wakhtigeeda la tukadaa, goobteeda iyo goorteeda waynu gaadhi doonaa, Insha Alaah.

S: Ganacsiga Dalka Itoobiya innagaga yimaada, una horeeyo jaadku, culays badan ayuu ku hayaa bulshada Somaliland iyo dhaqaalaha dalka, hadday noqoto dhinac dhaqaale, caafimaad, bulsho-nololeed, hadaanay raacin,halista soo waaridka sharcidarrada ee khamri iyo xashiishad. 3-da shay oo Itoobiya ganacsi u taqaan, cakiskeeda, innagu diinteenu ma bannayn xaqiiqdii, culimaduna waxbadan ayey ummada ka waaniyeen uganna digeen halistooda iyo dunuubtooda? Waa maxay faa’iidada aynu dhaafsanaa, haddaan la dagaalankeena mukhadaraadka Khamriga & xashiishad aynaan iskaashi Itoobiya ka helayn? Waa maxay qorshaheenu, ama xukuumadu ka fillin karto dhinaca Itoobiya? Ilayn deeqo waxbarasho aqoonta takhasusaadka Dhakhtarnimmo, Injineero, IT, Macalimiin shahaado PHD, iwm oo sannad walba ay siiso ardaydeena laguna xisaabtamo waa danne?

J: Horta dal waliba shuruuc buu leeyahay, waxaanu mamnuucaa amma reebaa waxyaabahaa hadba shuruucdooda ka hor imanaya. Markaa sidaan hore u sheegay, xidhiidhka amni iyo isu-socod ee sharciga ahi waa mid sugan oo labada dal ay ka wada shaqeeyaan, wixii intaa ka soo hadha, waa masuuliyad saarran dal waliba inuu danihiisa gaarka ah maamusho. Waa sababta ciidamadeena amnigu ay hawlgallada u fuliyaan arrimahan ka-dhanka ah, mukhaadaraadka khamri amma xashiidad, inbadanna ku guulasyteen cidhib-tirkooda, waa talaabo xukuumada & hay’adaheena sharcigu sida Ciidamada Booliisku ku hawllan yihiin, waajibaadna tahay in shacabku gacan ku siiyaan, sida xilliganba wada shaqeyntu uga dhexeyso.

Haddaynu u soo noqonno, jawaabta su’aasha, maxaynu waydaarsannaa? Bulsho ahaan innaga (Ganacsatada Somaliland) ayaa laga rabaa inay diyaarsadaan badeecadaha dalka gudahiisa laga soo saaro eynu u iibgeyn lahayn suuqyadda dalalka dibedda, oo dalka Itoobiya, ugu horeeyo. Waa baraarug xilligan ganacsatadeena oo gacan ka helaya xukuumada Somaliland u xadho-xidheen u iibgeynta badeecdaha dalka lagu farsameeyo oo tayadoodu sarreyso suuqyada wadamadda caalamka. Waanan rejaynayaa inay timaaddo wakhti xaddiga dhoofkeenna wax-soo-saar oo inta wakhtigan ka badan dunnida wada gaadho Insha Alaah, balse dedaalkeena ayuu ku xidhan yahay. Dawlad ahaanna siyaasadihii iyo shuruucdii muhiimka u ahaa ee arrimahaa kaalmaynayay qaarkoodna waa la sameeyay, qaar kalena gacantaa lagu hayaa.

S: Xidhiidh laba wadan inkastoo lax walba shilalka ay is-dhigto lagu qasho, haddana sii waaritaankiisu waxa furre u ah inuu noqdo mid labada dhinac ka wada faa’iidaan, halkuu dhinac keliya noqon lahaa, sida xilligan inbadan ummadu u aragto, ama Itoobiya keliya,? Ma jiraa qorshe aad la socotid oo xukuumadu ku dheelitirayso farqiga ganacsiga labada wadan?

S: Sidaan hore u sheegay, qorshaha dheellitirku waa mid inna wada saaran dawlad iyo shacab labadaba, sababtoo ah suuqeennu waa mid xor ah, kaasina wuxuu fursado badan oo aanay dalal kale haysan siinayaa muwaadinkeenna. Sidaasi darteed, in Qaran ahaan aynu isku tashano oo arrintaas loo wada guntado ayaa muhiim ah. Dhinaca doorka xukuumadda, waa diyaarinta shuruucda, siyaasadaha iyo kaabayaasha kale ee fududaynaya oo qaarkoodna la diyaariyay, qaar kalena gacanta lagu hayo. Horumarinta iyo maalgelinta jidka Berbera iyo dekedda Berbera waa ka qeyb qorshayaasha dawladdeed ee dheelitirka ganacsiga.

S: Soomaalida, ama ganacsatada Somaliland caqabdo ayey kala kulmaan xuduudaha & ganacsigooda ku waajahan dalka Itoobiya, taasoo, marwalba halis ugu jiraan khasaare amma sababo kale, ma jiraan tirakoobyo Safaarada JSL ee Itoobiya ku hayso inta muwaadiniin ee hatidooda lala wareegay, wallow, xitaa marka ganacsato Soomaalida ee dalka gudahiisa joogay hadii hantidooda lala wareego saamayn dhaqaalaha dalkeena ku yeelannayso? Ma jiraan-se talaabooyin Xukuumada u qaaday ka dabataga hantidaa? Muwaadiniin ama ajaanib kale oo dalka ku ganacsannayey xukuumada Itoobiya kala wareegtay?

J: Horta laba waa inaynu fahannaa; in qof kasta waajib ay ku tahay inuu dhawro oo u hoggaansamo sharciga dalka uu joogo amma ka ganacsanayo. Tusaale, qof kastaa, muwaadin iyo ajaanibba, waxa waajib ku ah in shuruucda dalkeenna uu u hoggaansamo, sidaa si la mid ah ayaa muwaadinkeenna ka shaqaysanaya Itoobiya isagana ay waajib ugu tahay. Inaad sharciyadaha dalkaad ka shaqaysanayso fahantaana waxay fududaynaysaa inaad dhawrsanaato oo aanad khalad ku dhicin. Qodobka labaad ee ay tahay inaynu fahanno ayaa ah; muwaadinta Somaliland ee dhibaato kala kulmaa dalka Itoobiya, waa inuu safaaraddiisa iyo dawladdiisa la soo xidhiidho, waana waajib na saaran inaanu sida ugu dhakhsaha badan ugu hawlgalno, taasoo, xilligan-ba marar kala duwan kiisas dhacay oo muwaadiniin reer Somaliland khusaynayey uga hawlgalnay oo aannu furdaaminay.

Arrinta tirokoobka, mid ka mid ah sababaha aan u daahfurnay ‘aqoonsiga jaaliyadda JSL ee Itoobiya’ ayay ka mid tahay in muwaadinka ku nool Itoobiya uu dawladdiisa u diiwaangashanaado oo u tirsanaado, imikana bulshadu way fahantay oo qaadashada kaadhkaa muwaadiniinta reer Somaliland ee dalka Itoobiya jooga wuu socda.

Xidhiidhka labada dal wuxuu marayaa meel ka sarraysa sida la filayo amma uu ahaan jiray. Danaha dhaqaale, amni, siyaasi iyo bulsho ee labada dal ka dhaxeeyaana waa mid mawjadaha waayaha ee mandaqadda ka socdaa aanay looddin karin ama adag tahay inay riixaan amma beddelaan. Waa sababta socdaallada weftiyada labada dal ee uu u dambeeyay weftigii madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi uu ku tegay Addis Ababa ee marti-qaadka rasmiga ah kaga helay dawladda Itoobiya. Markaa koboca xidhiidhku wuu socdaa, waanu sii socon doonaa, halkii ugu wanaagsanayd baannu marayaa.

 

 

 

Leave a Reply