Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Cumar Cabdillahi Badde ayaa shaaca ka qaaday in qiimayn wadajir ugu sameeyeen wadamadda bixiya qaadhaanka iyo xukuumada ka soo baxday in lagu guulaystay mashaariicahii laga maalgeliyey sanduuqa SDF wejigiisii koowaad iyo wejiga labaad ee xilligan socda, isbedel muuqdana ku sameeyeen kaabayaasha Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Deegaanka iyo Jidadka ee isu-socodka bulshada.
Dalalka bixiya qaadhaanka dhaqaalaha sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) iyo xukuumada Somaliland oo kulan xasaasi ah shalay ku yeeshay caasimada Hargeysa ayaa lagaga hadlay halka ay marayaan mashaariicaha laga maalgeliyo.
Kulanka oo ay joobgoob ka ahaayeen Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Cumar Cabdillahi, Wasiirka Xanaanadda Mr. Siciid Sulub, Wasiirka Gaadiidka Mr Cabdirisaaq Ataash, Wasiirka Beeraha Mr. Maxamed X Adan iyo Agaasimeyaasha Guud ee qaabilsan mashaariicda Sanduuqa laga maalgeliyo, ayaa lagu qiimaynayey mashaariicaha dhamaaday iyo kuwa socda halka ay marayaan.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Cumar Cabdillahi Badde oo warbaahinta uga waramay ujeedada kulanka iyo waxuu ku saabsanaa ayaa sheegay in Somaliland heerka ay marayso ee horumarka u soo martay marxalado kala duwan, sidii dib-u-dhiskii, nabadeyntii, waxaanu yidhi,
“Sannadkii 2006, Xukuumadii Somaliland, Baanka Aduunka & hay’adaha UN-ta waxa dib loo qiimeeyey marxaladii Somaliland, waxaana ka soo baxday in dhinaca horumarka Siyaasadda, Waxbarashada, Caafimaadka sarre loo qaado.”
Wasiirka Qorsheynta Dr Cumar ayaa sheegay in muddo ka dib loo baahday in la asteeyo hiigsiga Somaliland ee mustaqbalka, waxaana la diyaariyey qorshaha 2030-ka oo tilmaamaysay halka aynu doonayno gaadhitaankeeda.
“Qorshahaa waxa ka dhashay qorsheyaal Qaran oo 5-tii sannadood mar la sameeyo, oo hagaya waxqabadka xukuumada mudadda shanta sannadood.
Waxqabadka xukuumada ee shanta sannadood iyo mashaariicaha qaadhaan-bixiyeyaashu innaga taageeraan labadaba waa lagu daraa qorshahaa shan sannadood.
Dr Cumar ayaa sheegay si horumarinta Somaliland xooga loo saaro in sannadkii 2021 xukuumadu dhaqaalaha ay u diyaariso horumarka iyo qaadhaanka laga helo wadammada aynu saaxiibada nahay lagu sameeyo sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
“Sanduuqa SDF xukuumada Somaliland ayaa leh, laakiin waa meel wadamadda qaadhaan-bixiyeyaashu ku soo shubaan waxii ay ugu talogaleen dhinaca horumarinta Somaliland.”
Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera sanduuqa horumarinta Somaliland waxa ku jira wadamadda Ingiriiska, Norway, Holland iyo Denmark, waxaana xooga lagu saaraa kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wada maamula xukuumada iyo qaadhaan-bixiyeyaasha, mashaariicaha laga maalgeliyo waxa fuliya wasaaradaha ay hoos yimaadaan.
Wasiirka Qorsheynta Dr Cumar oo sharaxaad ka bixinayey kulankii shalay ay yeesheen wadamadda taageera Sanduuqa SDF iyo xukuumadu ayuu sheegay inuu la xidhiidhay in maamulka sare ee sanduuqa SDF iyo wasaaradaha mashaariicaha laga maalgeliyo fuliya ay ka wada hadlaan mashaariicaha xilligan socda iyo kuwa dhamaaday macluumaadkooda,
“Waxa ugu muhiimsanaa kulankii madaxda SDF iyo xukuumada in laga wada hadlo waxii dhamaaday, waxa qabyada ah iyo hanaankii loo dhamaystiri lahaa.
Waxa qorshahu yahay sidii wejiga saddexaad ee sanduuqa SDF oo sannadka 2023 bilaabi doona sidii loogu diyaargaroobi lahaa.
Dr Cumar ayaa u mahadceliyey wadamadda qaadhaanka dhaqaale ku taageera sanduuqa SDF, waxaanu sheegay in qaabka loo maamulo mashaariicda sanduuqa SDF yahay kuwo xukuumadu aqoon badan ka korodhsan karto, si ay mustaqbalka ugu maamulaan mashaariicaha xukuumadu fuliso.
“Waxaan bulshada u sheegayaa in lagu guulaystay qiimayntii lagu sameeyey wejigii koowaad ee mashaariicaha SDF iyo kuwa wakhtigan socda ee wejiga labaad, kuwaa soo isbedel balaadhan ku sameeyey kaabayaashii waxbarashada, caafimaadka, biyaha, deegaanka iyo jidadka ee isu-socodka bulshada.