Duullaanka Ukraine oo Maalintii Saddexaad Galay iyo Xaaladda oo sii Adkaanaysa

0
517

W/wararka(Dawan):-duullaanka Ruusha ee Ukraine oo galay maalintii sadexaad, ayaa Ruushku wuxuu garaac iyo duqayn ku wadaa, iyada oo sidoo kale ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushku ay ku dagaalamayaan duleedka caasimadda Ukraine.  Jimcihii shalay oo ahayd maalintii labaad ee duulaanka Ruushka ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka lagu arkay deegaano ka mid ah dhinaca waqooyi ee Caasimada Kyiv, waxaana la arkayey muuqaalo muujinaya baabuur dagaal oo Ruushku leeyahay.

Warbaahinta madax bannaan ayaa xaqiijinayey Qaraxyo gantaalo oo ku soo dhacayey caasimadda Ukraine iyo sidoo kale rasaas ka dhacaysay dhowr goobood.   Hadhaaga gantaalada iyo dhismeyaasha ay cuskadeen ayaa muuqaalo lagu muujinayey. Wasaaradda Difaaca ee Ukraine ayaa ku boorisay dadka ku nool caasimadda oo saddex milyan oo qof ah inay ku ekaadaan gudaha oo ay “diyaariyaan Molotov cocktails” si ay u difaacaan magaalada.

“Magaalada waxay gashay waji difaac, rasaas iyo qaraxyo ayaa ka dhacaya xaafadaha qaar. Qaar u socda in ay wax burburiyaan ayaa mar hore soo galay Kyiv,” ayuu yidhi duqa magaalada Kyiv, horena u ahaan jiray horyaalki hore ee feedhka culus ee adduunka Vitali Klitchko.

Milatariga Ruushka ayaa sheegay Jimcihii in ay la wareegeen garoonka istiraatijiga ah ee Hostomel ee waqooyi-galbeed ee Kyiv taas oo u sahlaysa in ay si degdeg ah u abaabulaan ciidamada si ay u qabsadaan caasimadda. Sheegashada Ruushka si dhakhso ah looma xaqiijin balse maamulka Ukraine ayaa sheegay in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa dhalleeceeyay “gantaallada argagaxa leh” ee Kyiv, oo qaarkood ku dhacay goobo rayid ah. Daaqadaha ayaa lagu qarxiyay dhismo ka kooban 10 dabaq oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Kyiv, halkaas oo god laba mitir ah uu muujinayay halka uu gantaalku ku dhacay ka hor waaberiga.

 

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Sergey Lavrov oo Jimcihii la kulmay mas’uuliyiinta gobollada Donetsk iyo Luhansk ee gooni u goosadku ay maamulaan, waxa uu u sheegay warfidiyeenka in Ruushku  uu diyaar u yahay wadahadal daqiiqad kasta ay la yeeshaan Ukraine marka ciidamada Ukraine ay joojiyaan iska caabintooda oo ay hubka dhigaan.

Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa horay u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada xaajood la furaan Ruushka si ay ugu heshiiyaan “xaalad dhexdhexaad ah”, laakiin waxa ay rabaan dammaanad amni. “Waa inaan joojinaa dagaalka,” la taliyaha madaxweynaha ayaa yidhi. Iyada oo laga jawaabayo dalabka Ukraine, Kremlin ayaa sheegtay Jimcihii in Ruushka uu diyaar u yahay inuu wafdi u diro Belarus si uu wadahadal ula yeesho madaxda Ukraine.

Dhanka kale NATO ayaa sheegtay in ay ciidamado geeyeen dalal Nato isbahaysi la leh oo ku yaa barigan yurub. Sida oo sheegay Stoltenberg oo ah xoghayaha Nato ilaa 30 meelood oo Bariga yurub ah ayey la geeyey ciidamo isugu jira ilaa boqol diyaaradood oo Jet loo yaqaano, ilaa 120 Markab oo sida Gantaalaha ridada dheer. Ciidamadan ayaa la doonayaa in lagu difaaco wadamada Georgia, Moldova iyo Bosnia oo laga yaabo in Ruushku u weeraro sida Ukraine.

Xubnaha golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay, ayaa qorsheynayaan inay u codeeyaan qaraar ka soo horjeeda duulaanka  Ruushka ee Ukraine, lana xaqiijiyo madaxbannaanida, madaxbannaanida dhuleed iyo madaxbannaanida dalkaas. Waxa ay sidoo kale ugu baaqi doontaa Ruushka in si deg deg ah, gabi ahaanba oo shuruud la’aan ah ciidamada ugala baxo Ukraine. Duulaankan ayaa ah tijaabadii ugu waynayd ee lagu sameeyo amaanka Yurub tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka.

Wararka oo iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in dadka rayidka ah laga dalbaday in ay difaacaan Caasimada, waxaana loo qaybiyey qoryo. Ilaa 18 kun oo qori ayaa la siiyey dadka sida uu sheegay wasiirka difaacu. Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitchko ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay diyaarsadaan Hubka loo yaqaano “Molotov cocktails” oo ah Quraarado Batrool iyo dab lagu qabto oo Qaraxa.

Horaantii Jimcihii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu baaqay Militariga Ukraine in ay afgebiyaan dawladooda. Inkasta oo ciidamada Ruushku wadaan dagaal goobaha ay ka soo galeen qaarkoodna ay horumar ka soo sameeyeen Maraykanku waxa uu sheegay  in ciidamada Ruushku ay lumiyeen hawlgalkii ay ku soo galeen bilowgii oo ay iska caabin kala kulmeen ciidamada Ukraine.

Wararka kale ee la helayo waxa ka mid ah in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Ruushku sheegeen inuu ka cararay caasimada Kyiv ayaa beeniyey. Muuqaal oo soo dhigay baraha Bulshada ayaa ku sheegay in aanu cararin isla markaana dhuuman ee uu ku sugan yahay dariiqyada Kyiv.

Marka la soo koobo duullaanka Ruushka oo muddo laga soo shaqaynayey uma socdo si deg-deg ah, hase ahaatee nasiibku uma wanaagsana Ukraine.

 

 

 

 

Leave a Reply