Afar Ruux oo Isku Qoysa oo ku Geeriyooday Guri Dab Qabsaday

0
304

Tog-Wajaale (Dawan): Afar ruux ayaa ku geeriyooday saddex kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu shalay gelinkii danbd Dab qabsaday guri ku yaalla magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Afarta qof ee Dabkaasi ku geeriyooday ayaa kala ahaa Hooyo, iyo laba caruur ah oo ay dhashay, iyo haweenay iyadna isla qoyskaasi ka mid ahayd.

Halka saddexda qof ee dhaawaca ah ay yihiin caruur ay dhashay isla hooyadda geeriyootay.

Gurigan Dabku ka kacay oo ku yaalla xaafadaha dhinaca barri ee magaaladda Wajaale, ayaa noociisu ahaa guryaha loo yaqaano Sandaqad ama Jiingada.

Sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, oo wargeyska DAWAN faahfaahin ka siiyay dhacdadaasi.

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu sheegay in ay weli socoto baadhista waxa sababay dabkaasi, isla markaana ay laamaha amaanku gacanta ku hayaan baadhitaankeedda.

Deminta dabkaasi khasaaraha nafeed sababay waxaa demintiisa ka qayb qaatay oo u soo gurmaday maamulka degmadda Wajaale, ciidanka Dab-demiska, booliska iyo dad shacab ahba.

Geesta kale saddexda caruurta ah ee Dabkaasi ku dhaawacmay ayaa xaaladoodda caafimaad lagula tacaalayaa cusbitaalka guud ee magaaladda Gabiley oo loo soo gudbiyay, kuwaasoo ay xaaladoodu dhaawacyo fudud tahay, halka afarta ruux ee geeriyooday isla xalay lagu aasay magaaladda Wajaale.

Sida uu noo xaqiijiyay C/raxmaan Yuusuf Maxamed, guddoomiyaha degmadda Tog-Wajaale.

Dhacdadan argagaxa leh ee ku habsatay qoyskani ayaa la sheegay in xiliga guriga uu dabku qabsaday oo ahayd duhurnimadii in ay hurseen, isla markaana al-baabadu u xidhnaayeen.

 

 

Leave a Reply