Qiimaha lagu Iibinayo Kooxda Reer Ingiriis ee Chelsea oo la Shaaciyey

0
241

Toddoba maalmood oo kaliya ayaa laga joogaa waqtigii uu bilaabmay duullaanka uu Ruushku ku qaaday waddanka Ukraine, waxaana uu dagaalkaasi saamayn weyn ku yeeshay ciyaaraha kala duwan gaar ahaan kubadda cagta.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa noqotay xaraash oo suuqa lasoo dhigay kaddib maalmo hadal-hayn ah oo la sheegayay in dawladda UK ay la wareegi doonto, waxaana isbeddel sameeyey maalqabeenka Ruushka ee Roman Abramovich.

55 jirkan oo mulkiilaha Chelsea noqday sannadkii 2003, isla markaana lacag badan geliyey, guulo badanna ku hoggaamiyey ayaa horraantii toddobaadkan waxa uu u gacan-geliyey Jimciyadda tabarucaadka Chelsea iyo sidoo kale shaqsiyaad lagu kalsoon yahay oo lix ah.

Dawladda UK ayaa wali ku hawlan nidaaminta cunaqabataynta iyo nooca hantida ay shaqsiyaadka Ruushka u dhashay leeyihiin ee la xayirayo amaba ay dawladdu la wareegayo, waxaana safka hore kaga jira Abramovich oo ay saaxiibbo dhow yihiin Vladimir Putin.

Abramovich ayaa beeniyey inuu wax xidhiidh ah la leeyahay madaxweyne Putin, hase yeeshee taasi kama fudaydinayso culayska saaran, waxaana ugu dambayntii uu go’aansaday inuu iibiyo kooxdan.

Sida uu hadda shaaciyey wargeyska The Telegraph, Abramovich ayaa si rasmi ah u go’aamiyey inuu iibiyo kooxdan uu 19ka sannadood muliilaha ka ahaa, waxaana uu sidoo kale shaaciyey lacagta uu ku biibinayo.

Roman Abramovich ayaa jaan-gooyey qiimaha uu kooxdiisa ku xaraashayo, waana mid aad uga sarreeya intii hore  loo filayay oo lagu qiyaasayay illaa £2 bilyan oo Gini iyo dheeraad yar.

Hase yeeshee, wargeyska The Telegraph waxa uu sheegay, in Chelsea lagu iibinayo £4 bilyan oo Gini, waana qiime aad uga sarreeya intii hore loo filayay.

Kooxda difaacanaysa Champions League ee bishii horena ku guuleysatay tartanka Naadiyada dunida ee FIFA Club World Cup ayaa haddii lagu iibsado lacagtan waxay noqon doontaa kooxda ugu qaalisan abid ee la kala iibsado.

 

 

Leave a Reply