Shirka Wada-tashiga Habraacyada Ogalaanshaha Dhismaha iyo File Bixinta Dawladaha Hoose ee Daka oo la Daahfuray

0
214

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka, ayaa furay kulan lagaga tashanayo habraacyada ogolaanshiyaha dhismaha iyo fayl-bixinta dawladdaha hoose Arbacaddii shalay 02/03/2022, kaasoo ay soo qabanqaabisay wasaaraddu, kana soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday 8 degmo oo ay kamid yihiin Hargeysa, Boorama, Gabiley, Burco, Berbera, Oodweyne iyo Sheikh, Hay’adda ILO iyo hay’adda dawladdaha hoose kala shaqaysa nidaamka diwaangelinta casriga ah ee GSO.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo dhulka Cabdilaahi Maxamuud Jiidhe oo furitaankii shirka ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada wada-tashigan loo qabtay ay tahay sidii loo mideyn lahaa nidaamka iyo awooddaha bixinta ogolaanshiyaha dhismaha iyo faylasha kale ee arrimaha dhulka.

Agaasime guud Jiidhe, waxa uu tilmaamay in degmooyinka qaar faylasha ogolaanshiyaha dhismaha ay wada saxeexaan saddexda xubnood ee ugu sareeya guddida fulinta, maayarka, maayar ku-xigeenka iyo xoghayaha, halka qaarna ay laba kamid ahi saxeexaan, sidaasi awgeed loo baahan yahay in la mideeyo hannaankaasi.

“Degmooyinka qaar waxa laga yaabaa in maayarka iyo xoghayaha dawladda hoose inay saxeexaan faylka, qayb waxa laga yaabaa inay saxeexaan maayarka, maayar ku-xigeenka iyo xoghayuhu, qaybna maayarka iyo maayar ku-xigeenku. marka waxa loo baahan yahay inaynu wixii mideyno”ayuu yidhi Agaasimaha oo sidoo kale mahad-naq u jeediyey hay’adda GSLO ee dawladdaha hoose kala shaqaysa diwaangelinta casriga ah ee faylasha dhulka iyo dhismeyaasha oo uu ka dalbaday inay aqoonta iyo waaya-ragnimadooda uga faa’ideeyaan hay’addaha kale ee ay shaqadani khusayso.

Madaxa hay’adda ILO xafiiskeeda Somaliland Maxamed Sh. Cabdiraxmaan Xasan, ayaa dhankiisa kula dardaarmay ka soo qaybgaleyaasha inay kulankaasi ku lafo-guraan qodobo wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo hanaanka loogu shaqeeyo habraacyada ogolaanshiyaha dhulka iyo dhismaha ee ay wadaaggaan Dawladdaha hoose iyo laamaha xukuumadda ee shaqadu ka dhaxayso.

Sarkaalka Hay’adda ILO ka socday waxa kale oo uu kula dardaarmay in maalmaha uu socdo shirku waxyaabaha laga dooddo ay ka soo baxaan arrimo midho-dhal ah.

 

 

 

Leave a Reply