Labada Saxeex ee ugu Horeeya ee Barcelona Suuqa Xagaaga oo la Ogaaday

0
428

Barcelona ayaa la soo saxeexan doonta Franck Kessie iyo Andreas Christensen, sida uu sheegay Gerard Romero.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie ayaa wadahadalo kula jira kooxda Barcelona tan ilaa suuqii January.

Sidoo kale xiddiga chelsea ee Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa in uu haatanba heshiis la gaadhay kooxda Barcelona kaliyana sugayo inta uu dhacayo heshiiskiisa.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in heshiiska uu Andreas Christensen ugu biirayo Barcelona la dhamaystiray 99% kaliyana la sugayo in lagu dhawaaqo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed labadaas xiddig ayaa noqon doona labada saxeex ee ugu horeeya ee kooxda Barclona ee suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply