Lewandowski oo Wakiilkiisa u Tilmaamay Kooxda uu Doonayo inuu ka Dejiyo

0
257

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa la sheegayaa inuu wakiilkiisa u sheegay kooxda uu doonayo inuu suuqa xagaaga ee sanadkan u fududeeyo sidii uu ugu biiri lahaa.

Iyadoo heshiiskiisa Bavaria uu yahay mid dhacaya xagaaga 2023 ayay warbixinihii ugu dambeeyay tibaaxayaan in Lewandowski uu doonayo in wakiilkiisa Pini Zahavi uu ka dejiyo xagaaga sanadkan dhinaca Real Madrid.

Bayern ayaa si joogto ah u sheegaysay doonisteeda inay weeraryahankeeda kooxda kusii haysato balse wali wax wadahadalo heshiis kordhin ah lamay furin, Lewy ayaa dhinaciisa raadinaya tartan iyo horyaal cusub wuxuuna dalbanayaa ka degista Santiago Bernabeu.

Wargeyska AS ayaa sheegaya in Lewandowski uusan muhiimada koowaad siinayn heshiis kordhinya Bayern oo uu ilaa xagaagii hore ugu hanjabay kooxda inuu ka tagi doono kahor intii aan laga hor istaagin.

Warbixinta AS ayaa sheegaysa in xidhiidhka u dhaxeeya wakiil Zahavi iyo Bayern Munich uu yahay mid aan fiicnayn taasina ay adkaynayso wadahadalada heshiis kordhin uu sameeyo Lewandowski.

Tan iyo markii uu Zahavi fududeeyay heshiiskii uu David Alaba kooxda sida bilaashka ah ugaga kaxeeyay xagaagii ee uu ugu wareegay Real Madrid ayay isku dhacsan yihiin Bayern mana aysan wali so fool-ka-fool ah u wada hadal.

Bayern ayay sidoo kale tahay inay ka wer-werto heshiisyada xiddigaheeda waaweyn ee ay kamid yihiin Manuel Neuer iyo Thomas Muller oo si lamid ah Lewandowski heshiisyadoodu 2023 ku eeg yihiin.

 

Leave a Reply