Carl Gauss Friedrich wuxu ahaa arday maskax badan mar kasta oo macalinku su’aalo weydiiyo wuxu ahaa kan ugu horeeyay ee ka jawaabaya su’aal kasta oo xisaab ah. Macalinka ayaa rabay in uu u diro su’aal adag si mudada uu ku mashquulsan yahay ardayda kale fursad u helaan inay su’aalaha ka jawaabaan. Waxaana uu ku yidhi isugee tirooyinka ka bilowda
1- 100, oo ah 1+2+3+4+5….100.
Muddo yar ka dib ayuu macalinka jawaabtii uu sheegay oo ku yidhi waa 5050. Macalinka oo aad u yaaban ayaa u qaatay in uu khiyaamaynayo waxaana uu ku yidhi oo sideed ku soo saartay?
Lakiin Carl Gauss wuxu helay dariiqo fudud oo la isugu geeyo tirooyinka noocan, oo noqotay habka wakhtigan la isticmaalo waana habka : Sum from 1 to n = sum from 1 to 100 = (50) (101) = 5050
Ninkaasi wuxu ahaa Carl Gauss Friedrich oo sanadkii 1855 dhintay waxaana uu u dhashay dalka Jarmalka, waxaana uu ka mid ah saddexda nin ee ugu caansan taariihda xisaabta.