Bilyaneerkii Reer Masar oo Iskaga Hadhay Chelsea iyo Laba Maalqabeen oo u kala Dheeraynaya

0
249

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la filayaa in toddobaadkan foodda inagu soo haya ay farihiisa ka baxdo Roman Abramovich oo uu ku wareejiyo maalqabeen kale oo uu ka iibinayo, waxaana hadda tartanka kooxda iskugu soo hadhay laba bilyaneer oo Switzerland iyo Maraykanka u kala dhashay.

Bilyaneerka reer Masar ee Loutfy Mansour ayaa shaaciyey inuu iskaga hadhay damac ku jiray oo ahaa inuu iibsado Chelsea, waxaanay taasi fursad u tahay Todd Boehly oo Maraykan ah iyo Hansjorg Wyss oo reer Switzerland ah oo la sheegay inay yihiin labada shaqsi ee hadda ay u dhaxayso Chelsea.

Ganacsade Loutfy Mansour oo sidoo kale haysta tigidhka daawashada Chelsea oo uu marka uu doono garoonka ku tago, ayaa hore loola xidhiidhiyey kooxda, hase yeeshee waxa uu si cad ugu dhawaaqay in aanu doonayn inuu kooxdan iibsado.

Wargeyska The Guardian oo uu u warramay ayuu u sheegay sidan: “Dhowaanahan waxay warbaahintu isla dhax marayeen warar la xidhiidha inaan iibsanayo Chelsea, laakiin waxa aanu caddaynaynaa in aanaan marnaba isku dayin, dalabna ka gudbinayn kooxda kubadda cagta Chelsea, waqtigan.”

Abramovich ayaa la sheegay inuu ku faasaxayo Blues lacag gaadhaysa £3 bilyan oo Gini, waxaanu ka dhaafay oo uu iska daayey lacag deyn ahayd oo uu kooxdiisa isagu hore u siiyey oo ahayd £1.5 bilyan oo Gini.

55 jirkan ayaa la sheegay inuu dadka danaynaya inay iibsadaan kooxda uu u qabtay ugu dambayn March 15, waxaanay wada-hadleen Wyss oo isagu la diyaar ah £2 bilyan oo Gini, waana lacag aad uga hoosaysa inta uu Abramovich doonayo.

Boehly oo isaguna ah mulkiilaha kooxaha LA Lakers iyo LA Dodgers ayaa isaguna dalabyo xooggan u bandhigaya Abramovich, waxaanay hadda Blues u dhaxaysaa oo ay gacanta u geli doontaa  sida loo badinaya Wyss ama Boehly.

Dhinaca kale, ninka ugu taajirsan Britain ee Jim Tatcliffe ayaa isagana uu hunguri ka hayaa kooxdan, balse uma  danaynayo si la mid ah labada maalqabeen ee kale.

Leave a Reply