Ramos oo Awoodda ugu Badan Gelinaya Sidii uu Real Madrid uga Reebi Lahaa Champions League

0
260

-ka bishan  March, waa maalinta uu calaamadsaday Sergio Ramos inuu kusoo laabto garoomada kaddib dhaawac uu muddo ku maqnaa, waana isla maalinta ay kooxdiisu u safrayso magaalada Madrid oo ay garoonka Estadio Santiago Bernabeu marti ugu noqon doonto Real Madrid.

Lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ayaa labada kooxood maalintan ay ku ballansan yihiin, waxaana Ramos uu doonayaa inuu qayb ka noqdo ciyaartaas, isla markaana uu guul u horseedo PSG, iyadoo dhinaca kalena uu guul-darro la raadinayo kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Ruug-caddaagan ayay Real Madrid ku qasabtay inuu ka tago Santiago Bernabeu bishii June ee sannadkii hore, waxaana isaga oo ooyaya uu macasalaameeyey Bernabeu kaddib markii la siin waayey heshiis cusub, taas oo keentay inuu si xor ah ugu wareego PSG.

Dhaawac soo gaadhay January 30, ayaa sababay inuu seego lugtii hore ee PSG iyo Real Madrid, waxaase uu dedaal badan ku bixiyey sidii uu ugu soo noqon lahaa lugta labaad ee Arbacada ay labada kooxood foodda isku dari doonaan.

Inkasta oo aanu wali tababarka kusoo noqon, shakina la gelinayo haddii uu taam u noqonayo ciyaartaas, haddana waxa ay warbaahinta Faransiisku sheegayaan in kabtanka hore ee Real Madrid uu wax walba u samaynayo sidii uu u ciyaari lahaa.

Warka ayaa intaa ku daray, in dhiirigelin dheeraad ah uu Ramos ka helayo inuu ka hor tago kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu markan la raadinayo inay guul-darraysato, si kooxdiisa cusub ee PSG ay ugu gudubto wareegga 16ka isla markaana ugu sii socoto wareegyada xiga.

Leave a Reply