Hargeysa(Dawan):-Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalainata Saleebaan yuusuf CalI Koore ayaa sheegay in qof kasta oo muwaadina uu xil ka saaran yahay difaaca dalka.
Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga Midaysnaado marka ay tahay qarannimada Somaliland,waxaanu intaa ku daray in qof kastastaa meel kaga beegan yahay dalka.
Saleebaan Cali Koore oo Arimahaa ka hadlayayna.waxa uu yidhi“Qof kastaa dal ayuu leeyahay Umad ayuu ka tirsanyahay, difaaca dalka marka ay noqoto qof kasta oo muwaadin ah waxa ka saaran xil mid xabad u rida iyo mid kalmad u yidhaahda ama mid lacag iyo dawo u bixiya,qof kasta oo bini,aadama meel ayuu kaga beegan yahay marka aynu gudaheena nahay waxkasta aynu isku tuurtuurno. laakiin marka aynu nahay Somaliland waxa ku wada dhex jira Mucaarad iyo Muxaafid is yeelis iyo isdiidis markay dibeda tahay waa in waxna laga midaysanyahay,waxaana aad moodaa in waxbarashadii gobolawday oo Jaamacadihii ayaa gobal noqday dan badan inooma aha waa in ay isbartaan Dhallinyarada Gobolada Jaamacadaha waa in laga wada baxaa iyadoo Gobolada dalka laga wada yimi sababta oo ah qofka halkan wax ku bartay waa in aanu Boorama qariib ku noqon ka Laascaanood ee Hargeysa wax ku bartay qariib ku noqon maaayo Hargeysa iyo Boorama,aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay in dadku is dhex galo.”.