Wasirka Isgaadhsiinta iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Tababar usoo Xidhay 35 Sarkaal

0
296

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka qaranka Somalilad Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani,ayaa si wada jir ah tababar dhanka Tiknoolajiyadda ah usoo xidhay 35 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Tababarkaas oo ahaa mid la xidhiidha dhanka Tiknoolajiyada iyo siday ciidamdu u adeegsan lahaayeen aqoonta tiknoolajiyadda oo lagu tababaray 35 sarkaal oo ka kala socday ciidamada kala duwan ee dalka ayaa loogu talo galay in ciidanku la jaanqaadaan horumarka iyo casriga dunida isla markaana aqoon durugsan u yeeshaan ku shaqaynta Tiknoolajiyadda.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo xidhitaankii tababarka hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad naqay wasaaradda Isgaadhsiinta tababarka ay u qabatay 35 sarkaal oo ka socday ciidamada kala duwan isla markaana ujeedadiisu ahayd in ciidamada aqoontooda dhanka Tiknoolajiyada kor loo qaado isla markaana la soo gaadhsiiyo  la soo gaadhsiiyo laamaha kala duwan ee dawladda.

Waxaanu yidhi. “anigoo ku hadlaya afka taliyeyaasha ciidamada kala duwan waxaan aad ugu mahad naqayaa wasaaradda Isgaadhsiinta iyo wasiirkooda oo qabtay tababarkan ciidanka Tiknoolajiadda lagu tababarayo waana wax loo baahan yahay in ciidanka aqoontooda Tiknoolajiyadda in kor loo qaado oo laamaha kale ee dawladda la soo gaadhsiiyo si loo wada jaan qaado.”

Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo Tababarka si rasmi ah usoo xidhay ayaa ka hadlay ujeedada tabababrkaas iyo sida loogu baahan yahay in ciidanku Tiknoolajiyada dunida la jaan qaado,waxaanu yidhi. “Tababarka ay qaateen wuxuu la xidhiidhaa samaynta shabakadaha iyo qaabka la isugu xidho,kombiyutar waliba shaqo ayuu qabtaa haddaan la isku xidhin oo aan loo samayn qaab ay u wada adeegaan macno badan ma laha, Tiknoolajigu meel walba wuu galay nolosha oo dhan ayuu galay ciidamaduna waa lafdhabarta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,ammaanka aynu dawladda ku nahay ciidamada ayaa bud dhig u ah illaa ay heerka ugu sarreeya ka gaadhayaan na tababarka Tiknoolajiyadda waanu usii wadaynaa.”

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay safiir ku xigeenka safaaradda Taiwan ay ku leedahay Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo macalimiimtii Tababarka bixinayay.

Tababarka loo soo xidhay 35 ayay iska kaashadeen wasaaradda Isgaadhsiinta iyo xafiiska horumarinta Taiwan ee ICDF qaybtiisa Somaliland.

 

Leave a Reply