C/raxmaan Cirro oo ka Hadlay Furista Ururrada Siyaasadda

0
512

Hargeysa(Dawan)-Murrashaxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI oo shir-jaraa’id kaga hadlay arrimaha doorashooyinka muddeysan sanadkan gudihiisa ee saddexda ah Salaasadii shalay, ayaa sheegay inay sharciyan ugu horaynayso doorashada madaxtooyada, isagoo ku doodday inay ta ururraduna ka dambeyn doonto.

Cabdiraxmaan Cirro oo daba-socday hadal uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kaga hadlay hawlaha doorashooyinka, ayaa sidoo kale ugu baaqay shacbiga inay u diyaar-garoobaan diwaangelinta doorashada oo uu tilmaamay inay bilaha soo socda bilaabmayso.

“Shacbiga Somaliland waxa aan u sheegayaa in doorashadii Madaxtooyada JSL ku mudeysantahay 13-ka November 2022. Cid ku muransani ma jirto, cid ku murmi kartaana ma jirto, waxaana gelaya Axsaabta Qaranka ee hadda jirta ee leh jiritaan qaanuuni oo sharci ah oo keliya. Doorashada Madaxtooyada waa doorashada keliya ee ay diyaar u yihiin Xeerkii lagu maamulayey, dhaqaalihii ku baxayey, iyo dhammaan farsamadii Doorashadaa lagu qaban lahaa”

Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan doorashada qabsoomaysa 13 bisha November, waxa kale oo aan ugu baaqayaa shacbiga JSL inay si weyn ugu diyaargaroobaan diwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo iyaduna bilaabmaysa bisha shanaad ee sanadka, waxaanan si gaar ah ula dardaarmayaa taageerayaasha xisbiga WADDANI meel kasta oo ay jooggaan oo aan leeyahay si weyn ugu diyaar garooba doorashada”

Cirro isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu meesha ka saaray in ururrada cusub ka qaybgeli karaan doorashada iyo in madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha asxaabta qaranku jideeyaan wakhtiga doorashooyinka “Doorashada Ururrada iyo doorashada guurtidu way ka dambeynayaan doorashada madaxtooyada. doorashada ururrada waxa loo raacayaa xeer Lr.14/2011. ururrada la siiyo shahaadada ku-meel-gaadhka ah ee ururrnimo ayaa asxaabta hadda jirta kula tartami doona Doorashada madaxtooyada marka loo diyaariyo xeer lagu maamulo doorashadaasi oo aan hadda jira.

kala horaysiinta doorashooyinka maaha arrin u taalla Madaxweynaha, maaha arrin aniga ii taalla, arrin cid kale u taallana maaha, xeerarka doorashooyinka iyo Dastuurka JSL ayaa loo raacayaa, waxaana doorashooyinka maamula guddida doorashooyinka qaranka. ma jirto xisbiyo ururro noqonaya, mana suurtoobayso ururro ka qeyb gali doona Doorashada Madaxtooyada ee 13ka November, cid awood u leh muddo xileedka Axsaabta in ay maalin ka dhinto ma jiri doonto sida aanay suurtogal u ahayn in muddo xileedka Madaxweynaha maalmo laga dhimo”

Murrashaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI, waxa kale oo uu xukuumadda u soo jeediyey inay wax ka qabato sicir-bararka dhinaca maceeshada, isagoo ganacsatadana ugu baaqay inay u naxariistaan bulshada ay wax ka iibiyaan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply