Riiga Degmada Sallaxley oo Wajahaya Culays bulsho xilli Roobka Gu’ga la sugayo

0
788

Sallexlay (Dawan) Degmada Sallaxley oo hal rig oo kaliya ayaa maalintii waxa ka caba xoolo adhi iyo geelba leh oo kor u dhaafa shan kun oo neef, kuwaasi oo culays ku ah degaanka sida uu sheegay isu’duwaha wasaaradda horumarinta biyaha ee degmada Sallaxley Maxamuud Gahayr Cilmi.

Isu’duwe Maxamuud ayaa xukuumadda Somaliland ka codsaday in ay kordhiyaan ceelasha riiga ah ee degmadaasi si culaysku uga yaraado.

Isu’duwaha wasaaradda horumarinta biyaha degmada Sallaxlay Maxamuud Gahayr Cilmi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Maanta xaalad adag ayuu dalku iskaga jira ILLAAHEYNA waxa aynu ka baryayna in uu raxmaadkiisa inoo shubo abaartana inaga kor qaado.

Halkan culays badan ayaa na saaran, ilaa Hawdkii iyo degmadii culayskeedii ayaa na saaran, balse waalaga caaba ALXAMDULILAAH, si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, maalintiina ugu yaraan laba kun oo neef oo geel ah ayaa ka caba, adhigana saddex kun oo neef, hadda Geelani hawdka ayuu u badan yahay, degmaduna ceelal kale oo Riig ah ayay u baahan tahay”

Hadalkan isu’duwaha ayaa ku soo beegmaya xilli abaar ba’an oo biyo iyo baad la’aan ahi ay dalka ka jirto, isla markaana xilligii Gu’ga indhaha lagu wada hayo in uu dhawaan curto.

Leave a Reply