Weedh Dumarkii Oo Dhami Ku Farxeen!

0
304

Madaxweynihii dalka Tunisiya “ Xabiib Burqiiba”, waxa uu dhashay sanadkii 1903, waxaana uu dhintay dhintay sanadkii 2000, isagoo gaadhay da’da 97 sano. Burqiiba waxa uu jagada Madaxweyne ee dalka Tusiniya qabtay sanadkii 1956 ilaa 1987.

Arrimaha yaabka lahaa ee mudadii uu xilka hayay lagu xusuusto waxa ka mid ah markii uu soo saaray go’aan ah in raggu ay gursan garaan gabadh keliya , isla markaana aan loo ogolayn inuu ka badiyo hal xaas oo uu guursado gabadh labaad.

Go’aankaasi ayaa noqday mid ay aad ugu farxeen dumarkii dalkaasi iiyo isagu soo baxay mudahaarad ballaadhan oo go’aanka ku soo dhoweeyeen. Dumar fara badan ayaa maalintasi farxaddii is hayn kari waayay kuwaasi oo cabsi ka qabay in lala guursado, waxaana ay madaxweynaha ugu tegeen gurigiisa iyagoo saf dheer u galay sida ay u salaami lahaayeen madaxweynaha.

Waxase yaab lahaa maalintaasi markii dumarkii la qabayna ay ragooda ku khasbeen inay farxadaasi kala qayb galeen, haddii kale uu yahay mid doonaya in uu gabadh kale guursado.

Koox Dumar ah oo caan aha ayaa iyaguna madaxweynaha ku booqday madaxtooyada iyagoo dhunkanayay oo ku faraxsanaa go’aankaasi.

Leave a Reply