Arsenal oo Seegi karta Champion League, Xataa Hadday u soo Gudubto

0
250

Arsenal ayaa ugu cadcad inay ku dhameysato kaalinta afaraad ee Premier League, laakiin xitaa haddii ay ku dhameysato kaalinta afaraad waxaa suurtogal ah inay seegto u soo bixitaanka Champions League ee xilli ciyaareedka danbe.

Qaab ciyaareedka fiican ee ay ku jirto Arsenal ayaa ka dhigtay inay hogaanka u qabtaan tartanka kaalinta afaraad iyagoo hal dhibic ka sareeya kooxda kaalinta shanaad ee Manchester United balse seddex kulan ay u harsan tahay marka loo eego Red Devils.

Madaama Arsenal aysan ka ciyaareynin tartamada Yurub xilli ciyaareedkan, waxay faa’ido ka heystaan Man United iyo West Ham laakiin sidoo kalena qasaaro ayay taasi ku noqon kartaa.

Haddii Man United iyo West Ham ay ku kala guuleystaan Champions League iyo Europa League, markaas waxba ma noqoneyso kaalinta afaraad madaama kooxdii afaraad ku dhameysata aysan u soo bixi doonin Champions League xilli ciyaareedka danbe.

England afar boos ayay ku leedahay sannad walba tartanka Champions League, waxay heli karaan ilaa iyo shan boos haddii koox aan afarta sarre ku jirin ay ku guuleysato midkood Champions League ama Europa League.

Si kastaba, haddii labo kooxood oo aan ku jirin afarta sarre ee horyaalka ay ku kala guuleystaan labada koob ee Champions League iyo Europa League, markaas Ingariiska looma ogolaanayo lix boos taasoo la micno ah in kooxdii kaalinta afaraad ku dhameysata ay daaqada ka baxeyso.

Dabcan inay tani dhacdo waa lama filaan marka la eego xaalada Man United ay ku jirto iyo in Europa League ay ugu cadcadahay Barcelona laakiin Arsenal ayay tahay inay ka walwalsho arintaan madaama ay sidaan oo kale ay ku dhacday Tottenham sannadkii 2012kii.

Markaas lama ogoleyn koox shanaad inay Ingariiska ku matasho Champions League sidaasi darteed markii Chelsea oo afarta sarre ka mid noqon weysay ay ku guuleysatay Champions League, waxay noqotay in Spurs oo afaraad ku dhameysatay daaqada laga saaro.

Leave a Reply