Erling Haaland oo Go’aan ka Gaadhay Kooxda uu ku Biirayo

0
383

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku biiro Barcelona suuqa kala iibsiga ee xaggaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa noqon doona xiddiga loogu doonista badan yahay suuqa xagaaga iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan62 milyan oo euro.

Tababaraha Barcelona ee Xavi ayaa lagu soo waramayaa in uu la kulmay xiddiga si uu ugu qanciyo in uu ku soo biiro kooxda xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in Haaland u ku qancay mashruuca uu dhisayo tababare xavi waliba uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaaga.

Leave a Reply