Xukuumadda Somaliland oo 40 Mashruuc oo Guulaystay Dabagal ku Sameysay

0
519

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Badde, ayaa sheegay in sannadkii ina dhaafay ay dib u eegis ku sameeyeen 40 mashruuc, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood sidii loogu tallo galay ay u fuleen.

Wasiirka Qorshaynta  ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay biyo xidheenada iyo dhammaamka dalka laga qoday, kuwaasi oo uu sheegay in abaaraha soo noq noqda ay wax badan ka tari doonaan, isla markaana gobollada Awdal, Maroodijeex, Hawd iyo Sool ay ka soo sameeyeen xog ururin dhinaca baahiyaha ah, isaga oo intaas ku daray in ay gacanta ku hayaan qorshaha 2022 ilaa 2026-ka, qorshahaasi oo uu hoosta ka xariiqay in uu ahmiyad balaadhan u leeyahay bulshada Somaliland.

Waxaanu sidan ka sheegay kulan uu la qaatay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland kaas oo ka qabsoomay xarunta golahaasi.

Waxaanu yidhi.“Sannadkan ina dhaafay 40  mashruuc oo la fuliyay ayaanu dib u eegnay waxa noo soo baxday in mashaariicdaasi dhammaantood sidii loogu tallo galay ay ay u fuleen, saameyntii loogu talo galayna ay yeesheen”

Sidoo kale wasiirka  ayaa ka  hadlay mudanayaal barta Twitter-ka ashkato kaga qoray waxaanu yidhi.“Waxaan arkayay qolo Twitterka wax ku qoraysa o oleh ‘wasiirka qorshayntu waxa uu diiday in uu golaha hor yimaado, marka waxa ay la hadlayeen qoladii Ingiriiska iyo Norwa’.

Waar innagu aynu isla hadalo inanga ayaa Qaranka iyo waxaasi oo dhan leh, marka innagu is fahano wixii yimaada aynu qiimayno, balse inaga oo aan inagii aan kulmin oo aan wada hadal, dee in waddamadii Qaadhaan bixiyayaashi aynu nidhaahdo waxba la is daba mariyay, ama shaki ayaa jira, waa wixiina haysta oo waxba hana siinina, balse waxaan ogahay inta aynu og’nahay in ka badan ayay og yihiin, mashruucana qayb ayay ka yihiin, shilinkasta halka uu ku baxay, inaga in ay wax ina yeesho mooyaane wax ayna taraysa ma jirto.”

Waxaa uu intaas ku daray in ay gacanta ku hayaan qorshaha 2022 ilaa 2026-ka, qorshahaasi oo uu “Qorshe waxa aanu samayna shan sannadle ah, qorshaha hadda loogu tallo galayna waa ka 2022 illaa 2026-tan waxaanu ku qotoma shan tiir, ka arrimaha bulshada, ka dhaqaalaha, degaanka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo maamulka.

Marka qorshaha aanu hadda samaynay waa mid aanu is leenahay kii hore ayuu wax ka baranayaa, waxa  ugu horreeya qorshahayagu in uu noqdo qorshe kooban, oo urursan, waana sababta gobollada xooga loo saarayo, qorshe leh mudnaan, oo tusaale ahaan haddii gobolku intaas oo mashruuc soo qorto in laga horumariyo intii suuragal ah, iyo ka u danbeeya oo ah in qorshe mashruuc kasta oo ku jira bajadkiisiina la socdo, si hadhaw ay u fududaato in cidda aynu wax weydiisanayno mashruucii oo qiimihisi la socdo aynu miiska u saari karno,”

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa uga mahad celiyay wasiirka qaabka wanaagsan ee u u soo ajiibay yeedhmadii ay u yeedhen guddidaasi.

Leave a Reply