Guddoomiyeyaasha WADDANI iyo UCID oo ugu Baaqay Qurbajooga soo dhaweynta Wefdiga Madaxweynaha

0
482

Gudoomiyeyaasha Labada Xisbi mucaarad ee Waddani & Ucid, Md. Xirsi Cali X. Xasan & Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay qurbajooga Somaliland ee caalamka  gaar ahaan taageerayaashooda inay soo dhoweeyaan wefdiga Madaxweynaha JSL ee socdaalka shaqo ku tegay dalka Maraykanka.

Labada Gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka oo si gaar gaar ah ula hadlay bulshada Somaliland iyo taageerayaashooda gudo iyo dibed, gaar ahaan Maraykanka ayaa u sheegay inay gudahooda ku dhamaysan doonaan xukuumada iyo mucaaradku waxii khiaaf jira.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md. Xirsi Cali X. Xasan ayaa qoraal uu shalay bartiisa Facebook ku baahiyey ku baaqay soo dhoweynta wefdiga Somaliland ee Maraykanka tegay.

“Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo.” Ayuu sheegay Gudoomiye Xirsi.

Sidoo kale, Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay doraad ayaa ku booriyey qurbajooga Somaliland ee Maraykanka iyo taageerayaasha xisbiga inay ka qeybqaataan soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha ee socdaalka shaqo ku tegay dalka Maraykanka.

“innagoo eegayna sharafta iyo haybada dawladnimadda, khilaafkeena gudaha ayeynu ku dhamaysanaynaa.

Xisbiyada Waddani & Ucid ayaa u sheegay qurbajooga inaanay ku meteli doonin xisbiyada mucaaradka qof kastoo la yimaada ficil dhaawaca sumcadda Somaliland

Leave a Reply