Qof Kasta oo Dawlada u Shaqeeya Waxuu Hayaa Shaqo Qaran..”

0
228

Wasaaradda Maaliyadda oo hawlgelisay 65 dufcadii 2aad ee shaqo qaran

 Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan wacyigelin gelin iyo xogwaran la xidhiidha hanaanka shaqada u qabtay lixdan iyo shan arday oo ka tirsanaa dufcadii labaad ee Shaqo Qaran oo ka hawlgeli doona Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ah goobjoog ahaayeen madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda ayaa ardaydaa shaqo qaran ugu gudbiyey warbixino la xidhiidha masuuliyadda wasaaradu qaranka u hayso iyo waajibaadka shaqo ee laga doonayo shaqaalahan cusub.

Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda oo hadal ka jeediyey ayuu mid walba u sharaxay waajibaadka shaqo waaxdiisu u xilsaaran tahay, iyo hanaanka looga baahan yahay inay u gutaan.

Agaasimaha Cudduda shaqaalaha Maxamed A. Weyrax oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay ku soo kordheen Wasaaradda Maaliyadda oo 14 Waaxood ka kooban iyo shaqaale gaadhaya kun, sagaal boqol iyo saddex iyo sideetan qof (1983) marka 65-kiinan cusub lagu daro.

Qofkastoo idiinka mid ah waxa loo diyaarin doonaa agabkuu ku shaqeyn lahaa iyo xafiiska waaxda uu ka hawlgeli doona.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan oo hadalo dardaaran ah u jeediyey shaqaalaha cusub ee Wasaarada Maaliyadda ku soo biiray ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo, isla markaana u sheegay in qof kastoo dawlada u shaqeeya waxuu hayaa shaqo qaran,

“Idinka keliya magacii shaqo qaran qaatee, annagu-ba waxaanu nahay shaqaale shaqo qaran.

Agaasime Gurxan ayaa sheegay inuu ku soo dhoweynayo Wasaaradda shaqada ugu mudan tahay dakhli soo saar. Shaqaalahii hore shaqo qaran hawlo muhiim ah ayey qabteen, idinkana inaad dariiqooda

Leave a Reply