Shacbiga JSL waa Ul iyo Diir Markay Joogto Qarannimadooda

0
377

W/Q: Cumar Maxamed Faarax

Shacbiga JSL waa ummmad halganka iyo difaaca dalkoodu  uu dhiigga iyo dhuuxaba kaga jiro, waana u dhaqan inay midoobaan marka cadowgoodu ku soo tahan-baabo qarannimadooda qiimaha adag iyo xinjirta geesiyaasha ku joogta.

Shacbiga Somaliland siyaasiyan waxay noqdaal ul iyo diirkeed markay joogto danta guud iyo qarannimadooda. Waxaanay meel iska dhigaan khilaafka gudahooda iyo xisbiyada ay dhexdooda kala taageeraan.

Waxa looga bartay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay inay cod middaysan la garab istaagaan madaxdooda, waxana taas horseed ugu ah siyaasiyiinta iyo madaxda asxaabta siyaasadda oo ay u kala soocan tahay  mucaaridnimada iyo difaaca qarannimada JSL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa socdaal ceelalyo u ah Qaddiyadda Somaliland  ugu kicitimay dalka Maraykanka, halkaasi oo ay u tageen sidii ay dalkaas u dhacsiin lahaayeen  Qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland iyo sidii aynu iskaashi ballaadhan ula yeelan lahayn dal-weynaha Maraykanka oo garwaaqsaday muhiimada ay Somaliland  u yeellan karto danihiisa gobolka Geeska Afrika, oo sannadihii u dambeeyey la shiikhiyey kaalintii uu ka ciyaari jiray siyaasadda Mandaqada Geeska.

Waxa muddooyinkii u dambeeyey  isa soo tarayey  shirqoolo ay soo nashqadeyso Dawladda Farmaajo oo abaabulaysa in jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan Maraykanku ay  ku mudaharaadaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa, isku-daygaasi oo haddii uu dhaco  caddeyn waafiya u noqonaysa “Cadaawada Soomaaliya u hayso dawladda iyo shacbiga JSL” Waxana arrintaasi  god dheer ku sii ridi doontaa  walaalnimadii innaga dhexaysay Soomaaliya, waxaanay damqi doontaa nabarradii hore iyo uurku-taaladii ay Soomaaliya u geysteen Shacbiga Somaliland.

Haddii qurbajooga Soomaaliya ay ka dhabeeyaan dhegaraha Farmaajo ka soo hindisay Villa Soomaaliya waxa ceel-dheer laga dayi doonaa Ganacsigii, is-dhexmarkii iyo nabad ku wada noolaanshihii labada shacbi.

Shacbiga Somaliland ee ku dhaqan gobollada kala duwan ee dalka Maraykanka, waxa looga baahan yahay inay ficil dhiidhiyaan oo ay burhaantooda ku soo bandhigaan inay wadajir ku soo dhaweeyaan Weftiga Madaxweynaha JSL, oo kulamo la yeelan doona Goleyaal, Machadyo iyo saraakiil kala duwan oo Maraykan ah.

Ugu dambeyn, waxa Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanku gacantooda ku jirta inay baal-dahab ah iskaga qoraan taariikhda Somaliland, waxaanay noqon doonaan halyeeyo iyo dal-jireyaal shacbigoodu ku abaalin doono geesinimada iyo dal-jacaylka ay la shir yimaadaan muddada weftiga Madaxweynuhu ay ku sugan yihiin Maraykanka. Waxa kaloo la gudboon in kulanka Madaxweyne Muuse Biixi la yeelan doono ay qaadhaan ugu soo ururiyaan ku dhawaad hal milyan oo muwaadiniin ah oo abaarta adagi saameyn ku yeelatay.

 

 

 

 

Leave a Reply