Xukuumadda JSL oo Diyaarisay Kharashaadka Doorashoyinka Ururada iyo Madaxtooyadda

0
410

 

Xisbiyadda imika jira wuxuu ka dhacayaa liisanku bisha June”.Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Washington (Dawan) Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland diyaarisay Kharashka lagu qabanayo Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda ee lagu Wado in ay qabsoomaan sannadkan.

Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxa uu intaasi ku daray in xeer lambar 14 ay ku caday sida ay u furmayaan Ururada Siyaasada iyo soo bixitaanka Xisbiaydda.

Maxamed Kaahin ayaa hadalkan ka jeediyay kulan ay la qaateen Weftigii Madaxweynaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka.Waxaana uu yidhi”Arinka cusub ee imika jiraa waxa weeye

Axsaabta iyo Ururada Siyaasiga ah xeerarka dalka lagu maamulayo waxa ka mida Xeerka Lambar 14,waxaana uu xeerkaasi xadidaa Ururada Siyaasiga ah sida ay u furmayaan iyo sida ay usoo baxayaan Xisbiyada qaranka. xeerkaas ayaa waxa uu dhigayaa in tobankii sannadoodba mar la furo Ururada Siyaasiga.mar Xukuumadda ayaanu nahay marna Xisbiga Kulmiye ayaanu ka tirsanahay xeerka ayaa waxa uu sheegayaa, in Xisbiyadda horana in ururada ka mid noqdaan tartanka marka la galana saddexda soo soo baxa ayaa Xisbiyo noqonaya.doorashooyin keenii barigii dhawayd dhacay waxa lagu qiimeeyay kuwa ugu fiican,”.

Sidoo kale ayaa waxa uu tilmaamay in Liisanka Xisbiyadda dhacayaan Bisha Juun ee sannadkan”Xisbiyadda imika jira waxaa ka dhacaya liisanka Xisbinimada ku hastaan bisha Juun,waayo marka Ururada qaran soo baxaan gudida Ururada Siyaasada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka Saddexda xisbi ee soo baxa liisan ayay siinayaan waana toban sanno waxaana la rabaa in tobankaa sannadood horteed ay Ururada furmaan tartanka siyaasiga waynu ku soo caano maalnay ilaa 2002 ayaynu wadnay sideed doorasho ayaynu soo galnay Saddex Madaxweyne ayaynu ku dooranay,inta aynu ku badbaadnay waxa weeye in aynu raacno xeerarka aynu qoranay hadaynu kuwaa raaci wayno Xamar ayaynu noqonaynaa cida xeerarka diidan waa cid doonaysa in qaranimo u burburno,dawlada waxa ka diyaariya Kharashka Doorashada Ururada ku soo baxayaan iyo Doorashada Madaxtooyadda,”.ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Leave a Reply