“Qurbajooga Somaliland ha ku Deydaan Jaamac Karaaciin, Sida uu Dalkiisa u Maalgashaday….” Mudane Saylici

0
483

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylaci), oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu yahay shaqsi ku-deyasho mudan Jaamac karaaciin, oo sharaf iyo amaan shacabka Somaliland iyo guud ahaan magaca soomaali u soo hooyey.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen masuuliyiin ka socotay saddexda waaxood ee Qaranka, martisharaf kale iyo dadweyne boqolaal ah ayaa si weyn loogu amaanay waayahii uu soo maray Jaamac Karaaciin, dhinac xirfada orodka, oo uu ku guulaystay abaalmarino caalami ah, iyo mar uu ahaa tababare, oo ciyaaryahanadiisu abaalmarino caalami ah ku guulaysteen, iyo wakhtigan oo uu noqday ganacsade maalgelin balaadhan kan sameeyeey dalka.

Madax kala duwan oo munaasibada ka hadlay ayaa dhamaantood ku tilmaamay Jaamac, aabe, Orodyahan, Tababare, aqoonyahan, iyo ganacsade, oo muddo 48 sannadood ku soo jiray waayaha orordada, inuu ku-deyasho mudan yahay, dhinac walba-na guulo soo maray.

Jaamac Karaaciin ayaa la sheegay inuu yahay dunida tababaraha keliya ee ciyaaryahano uu tababaray oo gaadhaya 38 ay aduunka (World Record) abaalmarino caalami ah ka gaadheen. Waa tababaraha keliya ee shan biladood oo Olympic ah haysta.

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in Jaamac ku guulaystay nolosha, waxna ku soo kordhiyey.

Waxuu ugu baaqay dhaliyarada inay ku deydaan, noloshana wax ku soo kordhiyaan aduun iyo aakhiro anfaca.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey Jaamac iyo marwadiisa Sucaad.

Gudoomiye Xirsi ayaa sheegay inuu Jaamac noqday nin dunida oo dhan ugu awood-sheegtay cagahiisa.

Musharaxa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey Jaamac iyo qoyskiisa kuna tilmaamay inay guusha ku suntan yihiin, Somaliland fursad u heshay inay ka faa’iideysato.

Waxuu sheegay inuu noqday orodyahan, tababare, ganacsade, iyo aabe guulastay, una baahan ku-deyasho.

Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Seylaci), oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu yahay shaqsi ku-deyasho mudan Jaamac karaaciin, oo sharaf iyo amaan shacabka Somaliland iyo guud ahaan magaca soomaali u soo hooyey.

Md. Saylici ayaa sheegay in Jaamac dadka kale ku dhaafay inuu dhaqaalahuu xirfadiisa ku helay ku maalgeliyo dalkiisa.

Waxuu ugu baaqay jaaliyadaha reer Somaliland ee dhaqaalaha haysta inay ku deydaan Jaamac,

“Qurbajooga Somaliland ha ku deydaan Jaamac Karaaciin, siduu dalkiisa u maalgashaday.”

 

 

Leave a Reply