Lula da Silva oo Bolsonaro kaga horeeya ra’yi ururinta doorashada

0
375

Madaxweynihii hore ee bidix Luiz Inacio Lula da Silva ayaa si raaxo leh ku hogaaminaya doorashada Brazil ee la filayo in ay bisha Oktoobar ee sanadkan qabsoonto. Ra’yi ururin la qaaday Isniintii ayaa sidaa muujisay. Inkasta oo wax isbedeli karaan inta ka horaysa October, codbixiyayaashu waxay ku eedeeyeen madaxweynaha midigta fog ee Jair Bolsonaro in aanu waxba ka qaban dhaqaalaha iyo masiibadii COVID-19, wakhtigana waxa uga sii daray sare u kaca qiimaha shidaalka.

Lula, oo laba jeer xilka madaxweynenimo soo qabtay intii u dhaxaysay 2003 ilaa 2010, ayaa ku guulaysan lahaa wareegga koowaad 43% ilaa 29% haddii doorashadu maanta dhici lahayd, sida uu muujinayo sahanka ay samaysay FSB Pesquisa.

Labada murashax ee ugu horeeya waa Lula da Silva iyo madaxweynaha xilka haya Jair Bolsonaro. Heerka diidmada Bolsonaro ayaa aad u muuqata, boqolkiiba 59% dadkii la weydiiyey ra’yiga ayaa sheegay in aanay waligood u codeyn doonin Bolsonaro.

Murashaxiinta kale sida Sahanku muujinayo  Ciro Gomes, oo ahaa gudoomiyihii bidix dhexe ee Ceara, ayaa ra’yi ururinta ka helay 9%, wasiirkii hore ee cadaalada iyo garsooraha federaalka Sergio Moro ayaa isna ka helay 8% taageero.

Mar dadka la weydiiyay cidda ay ku eedaynayaan qiimaha batroolka iyo naaftada oo aad u kacay, boqolkiiba 29% codbixiyayaashu waxay waxay dusha ka saareen xukuumadda Bolsonaro, halka 22% ay ku eedeeyeen shirkadda shidaalka ee Petrobras oo ay dowladdu maamusho. Boqolkiiba  21% waxay farta ku fiiqeen guddoomiyeyaasha gobollada. Kaliya boqolkiiba 18% ayaa u arkay dagaalka Ukraine inuu yahay sababta.

Inta badan dadkii ra’yi ururinta laga qaaday, boqolkiiba 61%, ayaa sheegay in ay diidan yihiin habka uu Bolsonaro u maamulayo Brazil, halka 34% ay ogol yihiin.

Bolsonaro ayaa billaabi doona ololihiisa dib u doorashada Axadda, wuxuuna diiradda saari doonaa musuqmaasuqa la galay xilligii Lula. Waxaana uu meesha ka saaray  runimada ra’yi ururinta isaga oo ku tilmaamay mid aah sax ahayn.

“Ma aaminsani ra’yi ururintan, ninkii sida dhabta ah u burburiyey Brazil ayaa ku horreeya,” ayuu ku yidhi waraysi uu siiyay Raadiyaha. Isaga oo sii wada waxa uu yidhi “Sahannada ama baadhitaannada ayaa ah kuwo been abuur ah ama dadka si fiican looma wargelin.”

Lula wali si rasmi ah ugu muu dhawaaqin musharraxnimadiisa, waxaana la hadal hayaa in uu ku martiqaaday ninka dhexdhexaadka ah ee Geraldo Alckmin, oo hore u ahaan jiray barasaabka gobolka Sao Paulo, inuu noqdo ku xigeenkiisa la ordaya.

 

Leave a Reply