Laamaha amaanka Uganda oo lagu eedeeyay dad la waayey iyo Jidh dil

0
222

Cuudamada Uganda ayaa ka soo hor jeestay kuna tilmaamay mid aan cadayn lahayn warbixin ay soo saartay hay’ada Human Rights Watch taas oo sheegtay in hay’adaha ammaanka Uganda ay mas’uul ka yihiin boqollaal qof oo la waayay iyo jidh-dil loo geysto dadka rayidka ah.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Keliya waxaan u baahanahay Cadaalad”, waxa lagu sooo bandhigay dukumeentiyo dad xoog lagu kaxaystay oo la waayey tilmaamaya,  xadhig sharci darro ah, jidh-dil, iyo siyaabo kale oo loola dhaqmay dad.

Falalkaas waxaa lagu eedeeyay inay geysteen booliiska, ciidamada kale, sirdoonka militariga, iyo hay’adda qarsoon ee gudaha Uganda, ee loo soo gaabiyo (ISO).

Warbixintu waxay sheegtay in falalkan ay ka dhaceen meelo sifo sharci darro ah dadka loo hayn jiray sanadihii 2018 iyo 2019 iyo intii lagu guda jiray doorashadii guud ee January 2021.

Dhamaadkii Diseembar 2020, Bukenya Ali, oo ay aad isugu dhowaayeen Heesaaga isu beddelay siyaasiga  xildhibaan Bobi Wine, ayaa ka mid ahaa 90 taageere oo ka mid ahaa  Xisbigiisa Midnimada Qaran ee Platform Party oo lagu xidhay degmada Kalangala, badhtamaha Uganda. Inkasta oo markii danbe lagu sii daayay damiin bishii Juun 2021 ka dib markii uu wajahay maxkamad militari oo ah maxkamada ciidamada qalabka sida.

Bukenya ayaa VOA-da uga warramay siday wax u dhaceen markii uu ku jiray xabsiga militariga. Wuxuu sheegay in la qaawiyey ka dibna lagu khasbay arrimo bahdil ah .Oryem Nyeko, oo ah cilmi-baadhaha Uganda ee Human Rights Watch, ayaa sheegay in inkasta oo maamulku mararka qaar qirtaan xadgudubyada, haddana wax ba kamay qaban si ay u joojiyaan ama ay caddaalad u helaan dhibanayaasha iyo qoysaskoodu.

Nyeko ayaa xusay in xitaa marka la sii daayo ay dhibanayaasha jidhdilka loo geystay ay la kulmaan hanjabaad iyo caga juglayn joogto ah.

“Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee aan isku dayeyno inaan ku wajahno warbixintan ayaa ah, inay jirto isla xisaabtan la’aan. Ma dhacaan oo kaliya af-duubyadan iyo xadhigyadan balse dadka sameeya sinaba, ha ahaatee la lama xisaabtamo,” ayuu yidhi Nyeko.

Sida warbixinta lagu sheegay, maxaabiistii hore ee xabsiga loo taxaabay ayaa ka sheekeeyay sida ay saraakiisha ammaanku u hareer mareen hab-raacyada dembiyada xilliyada la xidhayey. Maxaabiista waxaa lagu hayay xabsi aan la ogolayn, xarumo ku meel gaadh ah, sida guryo nabdoon, jasiirad ku taal harada Victoria, ama qol dhulka hoostiisa ah oo ku yaal dhismaha baarlamaanka.

Afhayeenka ciidamada Uganda Brigadier General Felix Kulaigye, oo VOA-da khadka taleefoonka kula hadlay, ayaa sheegay in Human Rights Watch aanay la xidhiidhin ciidanka ka hor inta aanay sii deyn warbixinta, oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeed.

“Eeduhu waa siyaasad halkii ay run ahaan lahaayeen. Xaqiiqdu waxay tahay, UDPF (Uganda People’s Defence Force) waxay neceb yihiin jidhdilka. Nambarka labaad, xitaa marka saraakiisheennu ay khalad galaan, aad baannu ugu adkaysanay wax ka qabashada kiisaska dadka rayidka ah si xun loola dhaqmo. Sababta oo ah waxaa sidoo kale na soo gaadhay in qaar ka mid ah shaqsiyaadka isku soo ekeysiiya amniga, ay dadka afduubtaan oo ay weydiistaan ​​madaxfurasho,” ayuu yidhi Kulaigye.

Samuel Herbert Nsubuga, oo ah madaxa xarunta Afrika ee daawaynta iyo dhaqancelinta dhibanayaasha jidhdilka, ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay, ay diiwaan gelinayeen 1,000 kiis oo jidh dil ah sanadkii.

Wuxuu ku doodayaa in haddii dhibanayaasha jidhdilka la rabo in la helo cadaalad, dowladdu waxay u baahan tahay inay soo saarto sharciga ilaalinta markhaatiga si kuwa ka badbaaday jidhdilka ay  isugu taagaan markhaatiga oo ay uga marag furaan khibradooda.

“Dad badan oo ka badbaaday jidhdilka ayaa cabsi badan qaba. Sababta oo ah waxay arkayaan dad badan oo la beedsaday.

Leave a Reply