Madaxweynaha Somaliland oo Xarunta Qaramada Midoobay Kulan Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud

0
220

New York (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo,ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada New York ee isla dalka Maraykanka.

  Waxaanay booqasho martiqaad ah ku tageen Madaxweynaha iyo weftigiisu  xarunta guud ee Qaramada Midoobay,halkaas oo   kulan ballaadhan kula qaatay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ku lafo gureen arrimo muhiim u ah Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markuu soo dhammaaday waxa ka warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha, waxaana ka mid ahaa nuxurka warbixinta wasiirka “manta(dorraad) waxa aanu kulan la yeelanay mid ka mid ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo aanu kala hadalnay qadiyada Somaliland iyo sidii ay Qaramada Midoobay kaalmooyinka ay bixiso si toos ah u siin lahayd Somaliland, iyadoo aan cidna loo soo marin.

Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi “Sidoo kale waxa aanu kala hadalnay horumarinta beeraha, Kalluumaysiga, dhibaatooyinka abaaraha soo noq-noqday iyo sidii biyaha roobka ee da’a aynu u qaban lahayn oo aynu biyo-xidheeno badan uga samayn lahayn dalkeena, markaa waanu isla qaadanay fikradahaas, waxaanu shirkaasi noqday mid guul noogu soo dhammaaday, waana guul kale oo Somaliland u soo hooyatay”.

Kulankaa waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good.

.

 

 

 

Leave a Reply