Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in Caaalamka oo dhan ay xidhiidh la yeelanayaan,  marka laga Reebo Soomaaliya

0
543

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dal kasta oo adduunka ku yaalla ay la yeelanayaan xidhiidh, marka laga reebo Xukuumadda talada haysa ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay cadowga koowaad ee Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu Maraykanka ku siiyey Shabakadda AXIOS, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ugu baaqay maamulka Madaxweyne Biden inuu xafiis ka furto Hargeysa si ay ugu soo biiraan lix dal oo UK ka mid tahay oo xafiisyo ku leh Somaliland.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay dal kasta oo ay la kulmaan soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay majeeranayeen  horumarka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, hase ahaatee la waayey waddankii bilaabi lahaa aqoonsiga JSL, waxaanu ku dooday in Somaliland ay maalin uun heli doonto dalkii baallalayn lahaa ictiraafka Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dal waliba maalin soo galay khariirada caalamka, Somaliland ay rajaynayso in xilligeedii yimaado.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu tilmaamay in sagaal wareeg oo wadahadal ah ay yeesheen Soomaaliya,kuwaasi oo aan horumar laga gaadhin, isla markaana aanay jirin wadahadallo dambe oo ay yeelanayaan mustaqbalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka qabsoomeen 8 doorasho oo si xor ah u qabsoomay isla markaana xukunka loola kala wareegay si nabdoon.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku dooday in saboolnimada iyo aqoonsi la’aantu ay saameyn karaan dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanu sheegay in ay Maraykanka la yeelanayaan iskaashi iyo wax wada qabsi ku wajahan dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha, kuwaasi oo ay soo jeediyeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka.

Shabakadda AXIOS waxay sheegtay in socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Washington ay Somaliland ka faa’iiday ifafaale wanaagsan oo la xidhiidha sidii Maraykanku cilaaqaad ula yeelan lahaa Somaliland oo ku taalla bogcad muhiim ah oo Shiinuhu isku ballaadhinayo.

Leave a Reply