Guddoomiyaha Gabilay Boogaadiyay Socdaalka Madaxweynaha ee Maraynka

0
359

Gabilay(Dawan):-Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa boogaadiyay socdaalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hogaaminayaa ku tageeen  dalka Maraykanka.

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo shalay la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa
sheegay in isbedel ku yimi Siyaasada arimaha dibada dalka,

Cabdiqani Jiidhe oo Arimahaa ka  hadlayayna  Waxa uu yidhi”Waxa aan Hambalyo u dirayaa  Safarka qiimaha badan ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tegay dalka Maraykanka,waxaanu  ahaa socdaal muhiimad gaara u leh dalka Somaliland intii uu talada qabtay  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Isbedel ayaa ku yimi
Siyaasadda arimaha dibedda dalka.qadiyadda Somaliland meel fog ayay gaadhay safarka Madaxweynaha ee Maraykanka indhihii Caalamka ayuu ku soo jeediyay Somaliland,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gabilay ayaa    fariin u diray Dawladda taagta daran ee Soomaaliya.Waxaanu yidhi”Waxa kale oon fariin u dirayaa Dawlada taagta daran ee Soomaaliya oo markasta lid ku ah  horumarka  Somaliland, iyadoo dhibaato badani haysato oo ay Doorashadii qabsan kari waayeen waxa la yidhi tiisa daryeele ayaa tu kale ku dara.waxaan leeyahay xaasidnimada iska daaya,”.

 

 

Leave a Reply