Xildhibaan Kaalmo Biyo ah Gaadhsiiyay Kaamamka Barakacayaasha Caynaba

0
302

Caynaba(Dawan):-Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Khayreeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa Shan Booyadood oo  Biyo ah gaadhsiiyay shalay Kaamamka Barakacayaasha ee dadka danyarta deggan yihiin ee Magaalada Caynaba.

Xasan Aadan Jeenicadde oo Xildhibaan Mustafe Axmed u soo wakiishay in biyaha uu ku wareejiyo Kaamamka Barakacayaasha ee  Magaalada Caynaba ayaa sheegay in aanay noqon doonin kaalmadii  ugu  dambaysay .Waxaanu yidhi”Halkan waxa aanu ku bixinaynaa Shantaa Booyadood oo aanu wakiil kaga nahay Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi Khayreeye,oo markii uu arkay in biyo la,aani ka taagan tahay Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Caynaba.ayuu wixii karaankiisa ah usoo diray oo ah Biyahan oo uu kaga soo jawaabay baahidii dhanka Biyaha, waxaanan rejaynayaa in aanay noqon kuwii ugu dambeeyay ee dadkaa laga warhayn doono.”

Mahad Siciid Ducaale oo ka tirsan Hay,ada  Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Magaalada Caynaba aya sheegay in Xildhibaan Mustafe Khayreeye la dareenyahay  shacabkiisa.Waxaanu yidhi”Waxa aan uga mahadnaqayaa  Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi oo shan Booyadood soo gaadhsiiyay,Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Caynaba waa Xildhibaanka kaliya ee la dareena shacab kiisa,”.

Sidoo kale Dadka dagan Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Caynaba ayaa waxa ay uga mahadnaqeen Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi
deeqdan Biyahan ee ugu deeqay

Leave a Reply