Madaxda Qaranka oo ka Hadlay Geerida Marxuum Cabdiqaadir Xaashi

0
351

Hargeysa(Dawan):-Madaxda Qaranka,ayaa ka hadlay geerida ALLE ha u naxariistee geerida Marxuum Cadiqaadir Xaashi Cilmi mulkiilhii  Hoteeelada Maansoor oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiyeyaasha labada gole qaran ee wakiilada iyo Guurtida guddoomiyaha Maxkamaadda Sare, madaxda Asxaabta qaranka,ayaa dhammaantood ka hadlay geerida Marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi isla markaana ku sifeeyay tiir dhexaad ka baxay qaranka Somaliland waxaanay ALLE uga baryeen in uu Marxuumka u naxariisto qoyskii ehelkii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna in ALLE Samir iyo iinaam ka siiyo.

 

 

War-saxaafadeedy kala duwan oo ay soo saareen masuuliyiinta qaranku ayay kaga hadleen geerida Marxuumka.

War saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan.

“Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, ganacsatada,waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday Waddanka Hindia maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa shaqsi wanaagsan oo ehlu-kheyr ah, samafale ah, ganacsade ah, door weyn oo muhiim ahna kasoo qaatay dibu-dhiskii iyo nabadayntii dalka, islamarkaana ahaa muwaadin dhulkiisa aaminay oo ka hirgeliyey maal-gashi ballaadhan oo lagu soo hirtay.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha JSL waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka,ganacsatada, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, eheladda, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”.

 

 

 

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo qoraak ka soo saaray geerida Marxuumka ayaa yidhi .”Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka bahda Garsoorka JSL, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mulkiilihii Huteelada Maansoor, marxuum Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa ganacsatada doorka weyn kasoo qaatay dib-u-dhiska iyo maal-gashiga waddanka. Marxuumku waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/03/2022 ku geeriyooday waddanka Hindiya.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, ganacsatada, waayeelka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo

 

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani qoraal ka soo baxay ayaa isna u dhignnaa sidan “Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),hoggaanka sare Xisbiga ,gudida fulinta,golaha dhexe iyo dhammaan taageereyaasha xisbiga WADDANI waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qaranka Somaliland  eheladii qaraabadii  iyo qoyska uu ka baxay iyo dhammaan reer Xaashi Cilmi  tacsiyaynayaan ALLE ha u naxariistee Marxuum  ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi   oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka soo qayb qaatay halgankii dalka isla markaana door shariif ah kaga jiray dib u dhiskii iyo nabadayntii dalka Somaliland waxaanu ahaa oday qaranka Somaliland tiir dhexaad u ah oo ka baxay

Marxuumka waxaan ALLE uga baryaynaa in uu u naxariisto oo ku gallado jannooyinkiisa,qoyskii qarabaabadii ehelkii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

 

 

 

Xisbiga UCID qoraal ay dhankooda ka soo saareen geerida Marxuumka ayay ku yidhaahdeen.“Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,hoggaanka sare Xisbiga UCID,gudida fulinta,golaha dhexe iyo dhammaan taageereyaasha xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qaranka Somaliland  eheladii qaraabadii  iyo qoyska uu ka baxay iyo dhammaan reer Xaashi Cilmi  tacsiyaynayaan ALLE ha u naxariistee Marxuum  ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi   oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

ALLE ha u naxariistee Cabdiqaadir iyo qoyskiisu waxay ku suntanaayeen halgankii iyo jidkii dheeraa ee loo soo maray Somaliland.

Marxuum Cabdiqaadir  RABBI Jannooyinkiisa hodanka ah ha ugu deeqo  oo ha u naxariisto,eheladii qaraabadii qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna ALLE Samir iyo Iimaan haka siiyo.”

 

Shir guddoonka labada gole qaran ee wakiilada iyo guurtida ayaa iyaguna dhankooda tacsi u diray dhammaan qaranka Somaliland qoyskii iyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi mulkiilihii hoteelada Maansoor oo Hindiya ku geeriyooday,waxaanay Marxuumka ALLE uga baryeen in uu u naxariisto oo Jannooyinkiisa ku galado,waxaanay ku sifeeyeen Marxuumka oday qaran oo dalka iyo dadka Somaliland ka baxay isla markaana tiir dhexaad u ahaa dib u dhiska qaranka iyo nabadayntii beelaha Somaiiland.

ALLE ha u naxariisto Marxuum Ganacsade Cabdiqaadir Xaashi Cilmi qoys ehel qaraabo iyo dhammaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha ka siiyo Aamiin Aamiin

 

 

Leave a Reply