Laascaanood: Tirikoob lagu Sugayo Guryaha iyo Goobaha Ganacsi ee Degmooyinka

0
626

Laascaanood (Dawan) Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa lagu soo gaba’gabeeyay qorshe lagu tira koobayo guryaha magaalada, meheradaha ganacsi ee degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan, ee magaalada Laascaanood ay ka kooban tahay.

Hawlgalka tirakoobka guryaha iyo nashqadaynta magaalada ayay iska kaashadeen dawladda hoose ee degmada Laascaanood iyo shirkada maxaliga ah ee la yidhaahdo GTS.

Guddoomiyaha shirkada Cali Gobanimo oo ka hadlay goobta ayaa sheegay tirikoobka rasmiga ah ee ay ku sameeyeen dhammaanba guryaha ku yaalla magaalada Laascaanood iyo meheradaha ganacsi, isaga oo intaa raaciyay in magaalada ay nashqad cusub oo loogu kala qaybiyay shan degmo iyo 11 xaafadood.

Guddoomiyaha ayaa u mahad celiyay maamulka dawladda hoose ee Laascaanood oo arrintaasi kala shaqeeyay.

Duqa degmada Laascaanood Cabdirixiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in hawsha tirikoobka guryaha iyo meheradaha ganacsiga ay faa’ido badan u leedahay dawladda hoose, balse ay ku xisaabtameyso sidii ay u sugi lahayd cashuuraha kala duwan ee ku waajibay meheradaha meheradaha iyo guryaha Laascaanood.

Duqa degmadu waxa kale oo uu sheegay in ay ay farxad weyn u tahay ka maamul ahaan in ay ku guulaystaan sidii naqshad casriya ugu sameyn lahaayeen magaalada 5 degmo iyo 11 xaafadood.

Guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, ayaa sheegay in hawsha tirikoobka lagu sameeyay Laascaanood ay socotay muddo bil ah isla markaana lagu gaadhay guul mihiim ah, isaga oo caddeeyay in faa’idada kala duwan ee ay yeelanayso magaaladu maaddaama ay xogtani sugan tahay xilligani.

 

Leave a Reply