Dawladda Hoose oo Bulshada u Balanqaaday Bineynta Jidad Hor’leh

0
406

Hargeysa (Dawan) Dawladda hoose degmada Hargeysa, ayaa bulshaweynta caasimada ugu bushaareysay in ay koone kasta oo magaalada ah ay ka hirgalin doonaan waddooyin tayada dhismahoodu fiican yahay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in hadda ay gabo gabo yihiin, lix buundo, isla markaana ay imika wadaan qorshaha buundooyin noocan oo kale ah, kuwaas oo xuseen in ay fududayn doonaan in bulshadu si fudud ugaga tallaabaan goobaha biyo mareenada ah ee ay marka hore dadku dhibta ku qabeen.

Waxa sidan warbaahinta u sheegay maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Khadar Axmed Cumar waxaanu yidhi.“Waxa  aanu idiin balanqaadaynaa haddii ALLE yidhaah in dhinac kasta oo Hargeysa iyo waddo kasta oo Hargeysa in waddooyinku ay dhammeystirmi doonaan, oo waddo laami ah mooyaane aanad god ku dhici doonin.

Waxa jirtay inan aanu saanka soo marnay oo ku faraxsanayd dayrkeedii oo la duminayo, waxa ay garanaysa macnaha waddadu ay u samaynayso, jidkani waxa ay u soo kordhinaysa qurux, waxa ay u soo kordhinaysa nadaafad, waxa ay u soo kordhinaysa dhaqaale.
wadadu waxay wax badan ka taraysa bilicda magaaladeena iyo caasimadeena, waxaanay wax weyn ka tari doonta jaamka gudaha magaalada Hargeysa”

Haddalkan xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xilli ay waddooyin badana dib u habayn iyo dayactir ku sameeyeen, imikana ay gacanta ku hayaan jidadka hormara beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa.

Leave a Reply