Guddida joogtada ee Golaha Wakiillada oo Warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe

0
531

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa kulan xog wareysi ah kula yeeshay xafiiskooda, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, mudane Cabdi Cabdillaahi Daahir.

Guddoomiyaha baanka dhexe oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa sheegay in mudanayaasha guddida joogtadu ee golaha wakiillada Somaliland, ay ka wada hadleen hawlaha Qaranka ay u hayaan, gaar ahaan horumarinta xarunta baanka dhexe iyo hadda halka ay marayso, isaga oo balanqaaday in guddida joogtada ah ay kala shaqeyn doonaan waxyaabaha ay uga baahdaan dhinaca shuruucda la xidhiidha, arrimaha maaliyada.

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, xildhibaan Cabdillaahi Muuse, ayaa tilmaamay in guddoomiyuhu xog ka siiyay halka hadda ay marayso hawsha baanka dhexe.

“Waxa aanu ka wada hadalay waxa ugu mihiimsan waxa u qorshaysan kuna xidhan shaqooyinka baanka dhexe u qaabilsan yahay Qaranka, iyo wixii shuruuc ah ee golaha wakiillada nagaga xidhmi kara.

Aad iyo aad ayaanu uga mahad celinayna sida wanaagsan ee ay noo qaabileen, arrimaha aanu ka wada hadalayna aanu meel isla dhignay,”

Leave a Reply