Maxaa Sababa Kibirka Qofka?

0
520

Waxay istaagtay ninkeeda dhiniciisa iyadoo faraxsan, xaaladooda nololeed ayaa noqotay heer   sare  ka dib saboolnimo muddo badan ku soo jireen. Waxay kaydsadeen hanti badan, mar kasta oo uu guriga ku soo noqdo isagoo faraxsan wuxu caado u lahaa inuu yidhaa “ Nin kasta oo weyn gabadh ayaa ka danbaysa”, si uu gabadhiisa ugu raali geliyo halgankii ay nolosha kala soo gashay.

Markasta oo guul gaadho haddana tu kale ayuu uga sii gudbaa ilaa uu gaadhay heer aad u sareeya oo aanu saboolnimo danbe filayn.

Laakiin wakhtigan wuxu bilaabay inuu badiyo faanka  iyo inuu ku dheedheelo masaakiinta iyo kuwa baahan, gabadhiisa ayaa u muujisay sida ay uga xun tahay dhaqankiisa cusub ee aan naxariista lahayn kibirkuna ku jiro.
Markii uu arkay inay ka xun tahay ficiladiisa wuxu bilaabay inuu u cadhoodo iyadana, waana uu u adkaysan waayay weedhaheeda runta ah, xidhiidhkooduna wuu xumaaday. Dadkii qaraabada iyo  jaarku waxay ogaadeen inuu isaga yahay kan khaldka samanayaa, laakiin marka kasta kibirkiisu wuu sii kordhyay.

Markii ay aragtay in aanu xal  jirin waxa ay arintu noqotay inay lamaanihii sidaasi ku kala tagaan. Xusuusta wakhtiga adag marka ay dad badani ka baxaan waxay ku bedelaan kibir iyo isla weyni, taasi oo inta badan ku soo celisa halkii uu ka dhaqaaqay. Dumarka naxariista ku badan awgood ayay wax kasta si taxdar leh u qiimeeyaan.

 

Leave a Reply