Juventus oo Pogba u Sheegtay Waddada uu ugu soo Laaban karo Garoonkooda

0
254

Paul Pogba ayaa ku qasbanaan doona in uu mushaar dhimis wayn sameeyo hadii uu doonayo in uu Juventus kaga biiro Manchester United marka uu dhamaado heshiiskiisa Old Trafford xagaaga, sida ay wararku sheegayaan.

Pogba ayaan wali go’aansan meesha uu ku biiri doono xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu ka tago Man United iyada oo ay jiraan kooxo badan oo doonaya saxiixa xiddiga kana mid yihiin Juventus iyo PSG.

Si kasta ha ahaatee kooxda Juventus ayaa wajahaysa dhibaato maadama ayn kaliya bixin karto 8 milyan oo euro sanadkii kaas oo ah mushaharka xiddiga waana kala badh 15-ka milyan ee uu xiddigu ka qaato United.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Juventus ma bixin karto mushaarkiisa oo dhan – inkasta oo ay iska fasaxday Ronaldo oo ahaa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda sidoo kale Dyabala isaga tagi doono kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu xagaaga.

Laakiin wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus ku kalsoontahay in uu xiddiga reer France hoos u dhigi doono mushaharkiisa si uu ugu soo laabto kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply