Wasiirka wasaaradda Diinta  oo xadhiga ka Jaray   Dhismaha Masjidka Kuwytiga ee Xaafadda Cabaaye.

0
382

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland iyo masuuliyiin kale  oo xalay ka qayb-galay munaasibad lagu furaayay dhismaha masjidka Kuwytiga ee xaafadda Cabaaye.

Munaasibada xadhig ka jirka maasijkaas ayaa waxa hadal ka jeediyay imaamka masjidkaas Sheekh Maxamed Macalin iyo xubno ka mid ah guddidii dib u dhiska masjidaas, waxaanay ka warameen marxaladihii ay soo martay hawsha dhimsmaha masaajidkaas oo socotay muddo labba sanno ah, waxaanay u mahadceliyeen cidksta oo ka qayb qaadatay dadaaladii lagu dhisaayay masaajidkaas.

Wasiirkii hore ee wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,  Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Maxamed Aadan, xuno ka mida bulshada degan xaafadda masaajidkaasi ku yaalo iyo masuuliyiin kale, kuwaas bogaadiyay guddidii gacanta ku haysay dhismaha masaajidkaas iyo shirkadii fulisay dhismihiisaba.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) ayaa bogaadiyay cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha masaajidkaas, waxaanuu bulshada xaafaddaas uu u soo jeediyay inay masaajidkaas ilaashadaan, kana war hayaan marba wixii dayac-tir ah ee uu u baahdo, maadaama oo uu yahay  masaajid bulsho badani ku cibaadaysato.

Leave a Reply