Dahabshiil oo Khidmad la’aan ku Xawilaysa Taakulaynta Suuqa Waaheen

0
703

Hargeysa-(Dawan):- Shirkada Dahabshiil ayaa shaaca ka qaaday inay khidmad la’aan ku xawilayaan dhaqaalaha bulshada Qurba-joogu ugu talo-galeen taakulaynta suuqa Waaheen.

Qoraal shalay shirkada Dahabshiil ku baahisay barteeda rasmiga ah ee Twitter ayaa lagu sheegay si loo caawiyo dhibanayaasha iyo dib u dhiska Suuqa Waaheen ee Hargeysa, waxay shirkadu khidmad la’aan ku xawilayaan dhaqaalaha loogu talogalay dib-u-dhiska suuqa Waaheen.

Talaabada Dahabshiil oo ka mid ah shirkadaha loo qorsheeyey in dhamaan bulshada ka qeybqaadanaysa taakulaynta suuqa waaheen inay lacagaha ku soo diraan ayaa mudan in shirkadaha kale ku deydaan.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply