Maayarka Minneapolis oo ka Hadlay Gubasahdii Suuqa Waaheen

0
613

Minneapolis(Dawan)- Maayerka Magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa shacbiga Somaliland  la wadaagay dareen ku saabsan masiibadii dabka ahayd ee baabiisay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Jacob Frey oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitter-ka habeenkii Salaasada,  Waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada culus ee ku dhacday ganacsatada iyo bulshada reer Hargeysa, waxaanu isagoo ku hadlaya afka golaha wakiillada ee magaalada Minneapolis ka tacsiyadeeyey  dhacdadaasi dadka reer Somaliland ee ay masiibadu taabatay.

waxa uu intaasi ku daray inay garab taagan yihiin oo ay la dareen noqonayaan umadda ay gubashada suuqaasi waxyeelladu ka soo gaadhay.

Dabka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ayaa baabi’iyay ganacsigii iyo biyihii magaalada, iyadoo in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay saameyn ku yeelatay masiibadan..”ayuu yidhi.

Md. Jacob wuxuu isagoo hadalkiisa sii wata  uu yidhi “MPLS waxay garab taagan tahay umadda Somaliland (Soomaalida) aan deriska nahay xilligan adag ee bisha barakeysan ee Ramadaan”ayuu yidhu Duqa magaalada Minneapolis.

Geesta  kale, dadka soomaalida ah ee ku nool gobolka Minesota ee cariga maraykanka ayaa habeen hore ku dhawaaqay sanduuq dhaqaale oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka samatobixinta dadka ku tabaaloobay masiibada dabka.

Xubno kamida jaaliyadda Somaliland ee halkaasi ku dhaqan ayaa uga mahad-celiyey hogaamiyeyaasha olollaha ay reer Minesota ugu gurmanayaan walaalahooda reer Somaliland, waxaana kamida Wasiirkii hore ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cismaan Cabdilaahi Saxar-diid (Caddani) oo ka hadlay munaasibad ay madaxda jaalliyaddu ku shaaciyeen sanduuqa taakulaynta.

Hadalka masuulkan dawladda Maraykanka ka tirsan ayaa ku soo beegmaya xilli ay iska soo daba dhacayaan dhambaallada shacbiga somaliland lagula qaybsanayo mushkilada culus ee ka dhalatay gubashada mid kamida suuqyadii  ugu weynaa bariga Afrika ee Waaheen.

Suuqa Waaheen ee shuf-beelay kowdii bishan April, ayaa ahaa suuqa labaad ee ugu weynaa dhulka Soomaalida, waxaana ku baaba’ay hanti lagu qiyaasay ku dhawaad laba Billion oo Dollar.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply