Fadliga Iyo Faa’idooyinka Bisha Ramadaan

0
1461

Bisha Soon waxa ay leedahay Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aad iyo aad ayay u karaameysay waxaana ay geysay Bishan boos aad u weyn.

Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun sidoo kale waa bil Dulqaad maxaa yeelay,  qofka inta uu sooman yahay waxa uu dareemayaa Oon iyo Gaajo sidaas darteed,  oonka waxa uu qofka uu barayaa Dulqaadka oo wixii nafsaddiisa oo jecleyd oo dhan ayuu  ka tagayaa isaga oo aaminsan inuu Ilaahay dartiis u sooman yahay ajarna xisaabsanayo, sidoo kale gaajada waxay qofka ay bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.

Waxaa Maxay Soon

Soonka Luqada ahaan: Waa af haysasho oo micnaheedu tahay in laga tago xanta, cunista, iyo cabista intaas ayaa waxaa lagu magacaabaa dhanka luqadda Soon.

Dhanka sharciga Soonku waa: in la is kaga hadho waxyaabaha wax afuriya sida cunista, cabista, galmada, beenta, ceyda, isku dirnimada laga bilaabo salaadda subax ilaa iyo inta qoraxda ay ka dhaceyso waa in laga hadho wax yaabahaan.

Soonka waa cibaado waxa uuna yahay tiirka Afaraad ee tiiraraka islaamka waxa uu Alle ku waajibiyay dadka Muslimiinta ah, waxaana la waajibiyay Soonka sanadkii labaad ee Hijriyada.

Waa Maxay Tiirarka uu Ku Taagan yahay Soonka:

Soonka waxa uu ku taagan yahay saddex tiir oo waaweyn oo mid ka mida haddii la waayo soonka ma ansaxayo waxaanay yihiin:

  • In laga hadho oo laga fogaado wax walba oo soonka jabiya .
  • In la niyesto Soonka, maxaa yeelay Niyo la’aan Soonka ma ansaxayo.
  • In la helo qofkii Soomi lahaa, Soonka bani’aadamka ayaa lagu waa jib yeelay haddii la waayo bani’aadam Soonkana ma waa jibayo.

Waa Maxay Sharuudaha uu Soonka Ku Ansaxayo:

Soonka waxa uu leeyahay Sharuudo haddii la waayo sharuudahaan mid ka mida ma ansaxayo Soonka waxayna yihiin  Sharuudahaan:

  1. Marka hore waa inuu qofka Muslim yahay, maxaa yeelay qof gaal ah Soon maka ansaxayo.
  2. Waa inuu yahay qofka Qaan-gaadh, uuna awoodo inuu soomo maxaa yeelay qof saqiir ah oo aan qaan-gaar ahayn Soon maka ansaxayo.
  3. Waa inuu yahay qofka qof Caqli leh, maxaa yeelay qof waalan oo aan caqligiisa aan dhameystirneyn Soon maka ansaxayo.
  4. Waa in aanu ahayn qofka musaafir, maxaa yeelay qofka musaafirka ah waxaa loo baneeyay inuu afuro markalena uu soo gudo.
  5. Waa inay gabdha ay daahir ka tahay dhiigga caadada iyo midka dhalmada, maxaa yeelay haddii gabdha ay ku jirto dhiig Soon ma ka ansaxayo.

Maxaa Buriya Soonka:

Soonka waxaa buriya waxyaabo badan oo hadda aan meeshaan lagu soo kobi karin, waxaana ka mida waxyaabaha ugu waaweyn ee Soonka buriya arrimahaan soo socda:

  • in qofka uu is duro, ama daawo uu ka qaato sanka ama afka.
  • Galmada iyo qarowga.
  • Matag kas la iskaga keeno.
  • Sandaarsiga oo lagu dheeraado iyo sigaar cabista.
  • .in si kas ah wax loo cabo loona cuno.
  • inuu yimaad dhiigga dhalmada ama midka xeydka.
  • in dhiig qof kale loo shubo.
  • in qofka uu is ka dhaqo killiyaha.
  • inuu waasho qofka.
  • qofka inuu diinta uu ka baxo.
  • inuu miyir daboolmo qofka.

Waa Maxay Fadliga uu leeyahay Soonka:

Soonka waxa uu leeyahay fadli aad iyo aad uweyn fadligaasi oo uu helayo qofkii Sooma waxaana ka mida fadliga uu leeyahay Soonka:

  • 1 . qofkii Sooma bisha Ramadaan isaga oo rumeysan ajarna xisaabsanayo qofkaasi waa loo dhaafay dambigiisii hore.
  • 2 . qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo.
  • 3 . Soonka iyo qur’aanka Aakhiro way u shafeeco qaadaan qofka.
  • 4 . Soonka waxa uu caafimaad u yahay Jirka.
  • 5 . Soonka waxaa lagu dhaafaa dambiyada .
  • 6 . Soonka qofka waxa uu siiyaa awood.
  • 7 . Soonka waa gaashaan uu qofka uga gaashaanto Naarta.
  • 8 . Soonka waa kafaaro gud, waxaa laguugu dhaafaa dhaaraha aad dhaarato.

Waa Maxay Faa’idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan

Faa’idooyinka Caafimaad uu soonka leeyahay waxaa ka mid ah:

  • Soonku waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.
  • Soonku waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka bani’aadamka.
  • 3 . Soonku waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaca Maqaarka.
  • 4 . Soonku waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhacda saableyda.
  • 5 . Soonku waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.
  • 6 . Soonku waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo sidoo kale xanuunada kala gowsyada.
  • 7 . Soonku waxa uu yareeyaa dufanta tirada badan oo ku jirta jirka qofka taasi oo dhibaysa caafimaadka jidhka

Waa Maxay Astaamaha Ay Leedahay Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaan waxa ay leedahay Astaamo badan oo lagu yaqaano waxaana ka mid ah astaamahaas.

  • Bisha Ramadaan: waxaa la soo dajiyay Qur’aanka Kariimka.
  • Bisha Ramadaan:waxaa la furaa Al-baabada Janada iyo Cirka.
  • Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Naxariista.
  • Bisha Ramadaan: waxaa la xiraa Al-baabada Naarta.
  • Bisha Ramadaan: waxaa la xidh-xidhaa Shayaadiinta.
  • Bisha Ramadaan: Dad ayuu Alle Naarta ka xoriyaa habeen walba.
  • Bisha Ramadaan:  waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun bil.

Waxa inala gudboon in aynu ka faa’iidaysano fursadaha nolosha ee caafimaadka iyo shabaabnimada ay ka mid yihiin, inaga oo uga faa’iidaysanayna illaahay adeecidiisa iyo wanaajinta cibaadada illaahay, kana faa’iidaysanayna farsada bisha ramadaan ee barakaysan.
Waa in aynu cusboonisiina balankaynu illaahay la galnay, inaga oo la imanayna toobad dhab ah oo aynu markasta ka toobad keeno dunuubteena inagoo ku sugnaanayna adeecida illaahay, u hogaansanaata amaradiisa iyo ka fogaashaha waxyabaa la inaga reebay si aynu uga mid noqono kuwa liibanay.

Leave a Reply