Maayarka Berbera oo Jawaab ka Bixiyay hadal ka soo Yeedhay Xisbiyadda Mucaaridka

0
526

Berbera(Dawan)Maayerka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Xisbiyadda Mucaaradka  oo ay kaga hadleen Xeerka Cashuuraha Dawladaha Hoose Xeer lambar 12.

Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo Shalay Warbaahinta qaranka la hadlay ayaa  sheegay inay ayaan darro tahay in Xisbiyada Mucaaridku  kala jeclaado Burco iyo Berbera,

Cabdishakuur Ciddin oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan arkayay iyaga oo leh  suurtagal noqon mayso Xoolaha Burco soo mara in lacagtooda Berbera lagu qaato,waxaa ayaan darro ah oo ceeb ah marka Xisbi Mucaarad   Burco iyo Berbera kala jeclaysanayo dhaawac ayay ku tahay oo cod ayuu ku waayayaa.anagu Xoolaha xaqal qalin ayaanu ka qaadnaa gaadhigana baarkin ayaanu ka qaadnaa oo Magaalada dhexdeeda,”.

Sidoo kale Maayer  Ciddin oo hadalkiisa sii wataa Waxa uu yidhi”Waxa aanu u naqaanaa Xoolaha nool wax qaranku leeyahay oo dibedda loo dhoofiyo,waxa dibedda loo dhoofinaya waalaga ilaaliyaa Cashuurta,degmo kastaa waxa ay leedahay Kastam degmooyinku hadday kala dhaqaale bateen degmada ayaa xaq u leh, cidna in masiirkeeda lagu ciyaaro maaha waxa aanu u sheegaynaa dadka reer Berbera  in ay tahay weerar qaawan oo lagu soo  qaaday,”.

Leave a Reply