Xildhibaan Bulshada ugu Baaqay Taakulaynta Suuqa Waaheen

0
419

Hargeysa-(Dawan):- Xildhibaan Jimcaale Axmed Sheekh Cilmi ayaa bulshada guddo iyo dibedba  ugu baaqay inay si weyn uga qeybgalaan taakulaynta ganacsatadii hantidooda ku waayey dhibaatadii ka dhacday suuq-ganacsiyeedka Waaheen.

Qoraal Xildhibaan Jimcaale xalay soo gaadhsiiyey wargeyska Dawan, ayaa u dhigaa;

“Waxaan murugada iyo uur-ku-taallada la qaybsanaya dadweynaha Somaliland iyo ganacsatada reer Hargeysa ee hantidooda ku waayay masiibadii dabka.

Halista dabka oo ah masiibooyinka ALLE laga magan-galo, waxaan bulshada ugu baaqayaa inay garab-istaagaan walaalahooda, kana qeybqaataan dedaalada xukuumada iyo Dawladda Hoose ee Caasimadu ugu jiraan wax-u-qabashadooda. Waxaan ALLE uga baryayaa cawil iyo bedel kheyrqaba inuu ugu bedelo”.

 

 

Leave a Reply