Waa Kuma Xiddiga Heshiiskiisa Juventus u Baabiiyay, si ay Kooxdu Saxeexa Antonio Rudiger u Awoodo?

0
460

Sida uu sheegayo wargeyska Talyaaniga ah ee 7GoldSport, Antonio Rudiger ayaa ku biiri kara kooxda Juventus isaga oo galaya booska uu banayn doono ruug-caddaaga kooxdaas ahna kabtanka haatan ee Giorgio Cheillini oo ay kooxda isku af-garteen in heshiiskiisa la burburiyo.

Warbixintaas ayaa sheegaysa in kooxda laga diro Cheillini ay Juve ka caawin doonto inay si dhab ah u cadaadiso heshiiska ay Rudiger ku doonayso sidoo kalena ay kusii haysan karto Matthijs De Ligt.

Dhinaca kale Football Italia ayaa sheegaya in Cheillini uu ka dagi doono horyaalka Maraykanka ee MLS-ka bedelkiisana uu Rudiger booskiisa heli doono.

Daafaca ree Germany ayaa ka tagi doona Blues dhammaadka xilli ciyaareedkan maadaama oo qandaraaskiisa Stamford Bridge dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan xilli qorshaha heshiis kordhintiisa kooxdu uu gabi ahaanba istaagay kaddib xayiraadaha lagu soo rogay.

Juventus ayaa tartan adag ku wajahi doonta saxeexa Antonio maadaama oo ay isha ku hayaan badi kooxaha waaweyn ee Yurub balse lama hubo haddii hore mustaqbalkiisa loo xalin doono.

Dhawaan ayay ahayd markii Barcelona oo la sheegay inay wadahadalo qarsoodi ah la yeelatay Rudiger ay noqotay kooxda ugu cad cad saxeexiisa.

Si kastaba, kooxda ree Spain ayaa ku dhibtoon karta mushaharka 7 Milyan ee euro ah ee uu 29 sano jirkaasi doonayo sida lagu sheegay Sport.

 

Leave a Reply