Man United oo loo Sheegay 4 Xiddig Oo ay Tahay inay ku Sii Hayso Kooxda Xilli Ciyaareedka Dambe

0
338

Halyeyga Manchester United Wayne Rooney ayaa ku booriyay tababaraha xiga ee Manchester United inuu ku kalsoonaado afar ciyaaryahan oo uu aaminsan yahay inay muhiim u noqon doonaan xilli ciyaareedka soo socda.

Man United ayaa haatan ku jirta wakhti adag kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Ole Gunnar Solskjaer iyada oo tababaraha ku meel gaadhka ah ee Ralf Rangnick xalin waayay dhibaatada kooxda.

Mustaqbalka dhawr xiddig oo kooxda ah ayuu shaki ku jiraa iyada oo kooxdu tababare cusub raadinayso xilli ciyaareedka dambe si ay dib u dhis ugu sameeyaan kooxda.

Rooney ayaana kooxda u sheegay in ay sii haystaan 4 xiddig kuwaas oo uu dareensanyahay in ay muhiim u noqon doonaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

“Waxaan filayaa in Jadon Sancho uu fiicnaan doono sanadka soo socda, Marcus Rashford wuu fiicnaan doonaa sanadka soo socda” ayuu Rooney yidhi.

“Waxa ay haystaan xiddigo da’yar ah oo wanaagsan, waxa aan qabaa in uu Jesse Ligard ciyaaro sababta oo ah waxa uu kooxda ku soo kordhinayaa tamar sidoo kal Scott McTominay waxa uu u shaqeeyaa si fiican”ayuu sii raaciyay.

Leave a Reply