Wasiirka Ciyaaraha Masar oo Shaaciyey Kooxda uu Mohamed Salah u Dheeli Doono Xilli Ciyaareedka Dambe

0
519

Wasiirka ciyaaraha waddanka Masar ayaa shaaciyey, in uu la kulmay Mohamed Salah oo uu u sheegay inuu iskaga tago Liverpool, laakiin uu laacibkani ka diiday oo ay ka go’an tahay inuu sii joogo Anfield muddo dheer, isla markaana uu u saxeexi doono heshiis cusub.

Mohamed Salah oo qandaraaskiisu uu ku egyahay xagaaga 2023 ayaan wali ogolaan inb uu heshiis cusub u saxeexo Liverpool, waxaana dhawr jeer uu hakad ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyey, hase yeeshee dhowaan ayaa la sheegay in ay dib u bilowdeen wada-hadalku, iyadoo uu wali Salah dalbanayo in toddobaadkii mushahar loo siiyo lacag gaadhaysa £400,000 Gini.

Wasiirka ciyaaraha waddanka Masar oo lagu magacaabo Ashraf Sobhi ayaa sheegay in Mohamed Salah oo uu la kulmay waqtigii ay Senegal la ciyaarayeen kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunake ee toddobaadkii hore, in uu usoo jeediyey in uu iskaga tago Anfield, laakiin uu laacibkani u caddeeyey in uu sii joogi doono Liverpool.

Ashraf Sobhi ayaa yidhi: “Garoonka diyaaraha ayaan kula kulmay Mohamed Salah kaddib dhamaadka ciyaartii guul-darrada ee Senegal ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaanan ku idhi iska illow wixii dhacay oo fiiri waxa xiga ama kuu hadhsan.

“Waxa aan ku waaniyey in uu sii wato safarkiisa kooxda oo aan ahayn Liverpool, laakiin isagu waxa uu hadda doonayaa in uu heshiis cusub u saxeexo Liverpool.

“Waxa jiray ololeyaal ka dhan Mohamed Salah oo hoos loogu dhigayo, laakiin anigu waxa aan u sheegay in aanu dheg u dhigin waxyaabahaas.”

Hadalka wasiirka  ayaa imanaya maalin kaddiib markii uu tababare Jurgen Klopp xaqiijiyey in uu faraxsan yahay oo ay si fiican wax ugu socdaan labada dhinac, isla  markaana ay dib u bilowdeen wada-hadalku.

Leave a Reply