Pogba oo ka Ambobaxay United iyo Kooxda Nasiibka u Yeelatay ee uu ka Degayo

0
447

Kubbad-sameeyaha Faransiiska ee Paul Pogba ayaa ugu dambayn soo afjaraya waayihiisii ciyaareed ee Manchester United, waxaana uu ka degi doonaa koox u bandhigtay heshiis qaali ah oo uu ku helayo lacago badan, taas oo uu si xor ah ugu wareegi doono marka la gaadho bisha June.

Pogba ayaa soo gabogabaynaya dhamaadka xilli ciyaareedkan lix sannadood oo uu ka ciyaaray Old Trafford oo uu dib ugu laabtay sannadkii 2016kii, waxaana uu iska diiday inuu qandaraaska usii kordhiyo oo uu sii joogo kooxda uu kusoo barbaaray.

28 jirkan ayaa sannadkii 2017 kula guuleystay Manchester United labada koob ee League Cup iyo Europa League xilligaas oo uu Jose Mourinho joogay Old Trafford, hase yeeshee muddo shan sannadood oo koob la’aan ah ayaa uu dhamaysanayaa, waxaanu dhawaan si cad u sheegay in uu aad uga xun yahay arrintaas.

Xilli ciyaareedkan socda oo aad ugu xumaa Pogba  ayaa waxa isku raacay qaab ciyaareed liitay iyo dhaawacyo uu in muddo ah garoomada kaga maqnaa, waxaana fursaddii ay koob ugu guuleysan karayeen bishii hore kasoo afjartay Atletico Madrid oo ku reebtay wareegga 16ka Champions League.

Wargeyska  kasoo baxa magaalada Manchester ee MEN ayaa maanta boggiisa hore ku daabacay xog uu ka helay Paul Pogba oo sheegaysa, in laacibkani uu dalab ka helay Paris Saint-Germain, isla markaana uu ogolaaday inuu dib ugu laabto dalkiisa.

PSG ayaa u bandhigtay Pogba mushahar ka hooseeya heshiiskii uu Manchester United ka diiday bishii January ee uu ku heli lahaa £500,000 Gini oo mushahar ahaan uu toddobaadkii u qaadan lahaa.

Kooxo kale sida Juventus, Real Madrid iyo Barcelona ayaa hore loola xidhiidhinayay Paul Pogba, hase yeeshee waxay hadda ubadan tahay inuu ka degayo magaalada Paris

Leave a Reply