Manchester United oo Lix Ciyaartoy u Sheegtay inay Iska Tagaan Xagaaga

0
386

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u sheegtay, in lix ka mid ah xiddigaheeda ay iskaga tegi karaan Old Trafford marka la gaadho xagaaga ee uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu, hase yeeshee kuwo kale oo danaynaya inay baxaan ayaa albaabka laga xidhay oo lagu wargeliyey in ay joogayaan.

Manchester United ayaa haysata dersin ciyaartooyo uu qandaraaskoodu ku egyahay bisha June oo si xor ah iskaga tegi doona haddii aanay inta ka horreysa saxeexin heshiis cusub, waxaana lasii ogyahay in intooda badan ay shandadahooda xidh-xidheen waqti horeba.

Ciyaaryahannada ay ka midka yihiin Paul Pogba, Jesse Lingard, Edinson Cavani, Juan Mata, Tahith Chong iyo Lee Grant ayaa dhamaantood ka ambobixi doona Manchester United marka la gaadho bisha June, waxaanay u muuqataa in aanay heshiisyada kordhin doonin oo intooda badanba ay waqti hore diideen, hase yeeshee waxa laga rajo qabaa in Tahith Chong iyo Lee Grant ay joogi karaan.

Ugu yaraan lix ciyaartoy oo kale ayaa la fahamsan yahay in ay doonayaan in ay tagaan, kumana jiraan laacibiinta sare ku xusan ee sida xorta u ah inay baxaan, waxaana ka mid ah laacibiinta kale ee iyaguna doonaya inay tagaan: Anthony Martial, Donny van de Beek, Dean Henderson, Phil Jones, Axel Tuanzebe iyo Eric Bailly.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ayaa isaguna aan sugnaan doonin oo uu shaki ku jiraa in uu sii joogi doono haddii Manchester United ay soo geli weydo kaalinta afraad oo ay iman weydo Champions League xilli ciyaareedka dambe. Sidoo kale, Marcus Rashford oo xilli ciyaareedkii ugu xumaa noloshiisa ku qaadanaya Old Trafford ayaa isagana aan la hubin in uu qaadan doono go’aan bixiyaan iyo inuu sii joogi doono.

Laakiin Manchester United ayaa u sheegtay ciyaartoyda heshiisyadoodu ay wali socdaan oo ay ku jiraan Ronaldo iyo Rashford, in aan loo ogolaan doonin inay ka tagaan kooxda xagaagan, si kasta oo ay kooxdu ugu dhamaysato meelo hoose.

Si kastaba, Manchester United oo uu tababare cusub hoggaamin doono xilli ciyaareedka dambe ayaa la filayaa in ciyaartooyo cusub ay yimaaddaan, sidoo kalena ay isbeddelo badan ku yimaaddaan safkeeda.

Leave a Reply