Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Magacaabay Guddi Cusub

0
385

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu magacaabay guddi la shaqeeya guddiga qaran e egurmadka suuqa Waahen, maadama ay muhiim tahay in loo midoobo caawimada dadkii khasaarahu ka soo gaadhay waxtarkooda.

Qoraal uu khamiistii soo saaray Gudoomiyaha UCID Eng Faysal ayaa ku sheegay iyadoo laga duulayo khasaaraha dhaqaale iyo bulsho eek a dhashay dabkii suuqa Waaheen.

Qoraalka Gudoomiye Eng Faysal ayaa la raaciyey “Annagoo garowsan baahida loo qabo in loo midoobo wax ka qabashada iyo caawimada ganacsatadii khasaarahu ka soo gaadhay.

Waxaan magacaabay guddi la shaqeyn doona guddiyadda kala duwan ee ku hawlan gurmadka oo kala; Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Cabdiqaadir Ibraahim Salaf, Yaasin Cabdillahi Xaashi.

 

Leave a Reply