Hay’adda STAND CHARITY oo Kaalmo raashin ah Qaybisay

0
336

Hargeysa (Dawan)-Hay’adda Waddaniga ah ee Stand Charity Organization, ayaa kaalmo raashin ah ugu qaybisey Qoysas danyar ah Magaalada Hargeysa maalintii Jimcaha ee shalay,taasoo ay ugu talogashay inay quutaan qoysaskaasi wakhtigan lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

In ka badan afartan qoys ayaa ururku ku wareejiyey raashin ka kooban cuntooyinka daruuriga ah wajiga koowaad ee barmaamujka Afuri walaalkaa oo uu sanad walba bisha Ramadaan qabto, waxaana munaasibada qoysaska danyar ah lagu guddoonsiiyey mucaawimada ka qaybgalay masuuliyiinta Ururka, xubno isugu jira culimo awdiin iyo waxgarad.

Dr. Ifraax Maxamed Abiib oo kamida madaxda Hay’adda STAND Charity oo ugu horayn halkaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in mashruucani uu socday sanadihii u dambeeyey, isla markaana ay ugu talogaleen xilliga ramadaan inay ku taageeraan nololsha qoysaska danyarta ah.

Dr. Ifraax waxa ay intaasi ku dartay in barmaamujkani ka kooban yahay saddex qaybood oo socon doona bisha Ramadaan, iyadoo sidoo kale beyaamisay in ururku dhawaan biyo-dhaan ka fuliyey deegaamo kamida dalka, taasoo uu kaga qayb-qaatay gurmadka Abaaraha.

Sh. Cabdilaahi Xasan oo ah madaxda mashruuca Afuri Walaalkaa, ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey noocyada ay ka kooban tahay deeqdani iyo qaabka lagu soo xulay qoysaska la siiyey, waxaanu tilmaamay “mashruucan waxa wajigiisii koowaad maanta (Shalay) la siinayaa afartan qoys oo danyar ah raashin kooban Bariis, Daqiiq, Sonkor, Timir iyo maceeshada kale ee daruuriga ah. waxa loogu talogalay in qoysaska danyarta ah nololshooda lagu kabo wakhtiga ramadaanta, waxaan aad ugu mahad celinaynaa dadkii ku soo tabarucay Kaalmaadan”ayuu yidhi.

Ibraahim Cabdiraxmaan Sallin oo kamida Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Hargeysa ayaa u mahad celiyey Hay’adda kaalmadan ay u fidisay dadka danyarta ah, waxaanu intaasi raaciyey inay waajib tahay in bulshada nugul loo naxariisto xilligan lagu jiro bisha khayrka badan ee ramadaan.

Marwo Foosiya Ciise oo ku hadlaysay afka qurbo-joogga Ururka STAND Charity, ayaa uga mahad celisay hawl-wadeennada mashruucan fulinaya, waxaanay xustay in qurbo-jooggu door shariif ah ka geystaan horumarinta iyo taakulaynta bulshada danyarta ah.

Xubno u hadlay dadka danyarta ah ee kaalmda la gaadhsiiyey, ayaa mahad-naq u jeediyey Hay’adda STAND iyo taageerayaasheeda mashruucan, waxaanay alle uga baryeen inuu waxtarkooda ugu bedelo xasanaad, dambi dhaaf iyo waliba wax ka qiimo badan oo if iyo aakhiro anfaca.

Ugu dambeyn, waxa halkaasi qof walba lagu guddoonsiiyey raashinka loogu talogalay qoyskiisa, iyadoo qoondo waliba ka koobnayd cuntooyinka daruuriga ah oo hal bil loogu talogalay.

 

 

Leave a Reply